Monday, June 24, 2013

Maleeshiyaad Sunniyiinta Lubnaan oo weeraro ku Dilay 12 ruux oo ka tirsanaa Milatariga dalka Lubnaan


(GNA) Ugu yaraan 12 ruux cidamada Milatariga dalka Lubanaan ayaa ku dhimatay dagaal xoogan oo ka soconaya magaalada Sidon 40km (28) kaga beegan caasimada Beirut ee dalkasi Lubnaan kadib markii ay isku dhaceeb maleeshiyaad Sunniyiin ah iyo ciidamada Milaraiga.




Iska horimaadkan ayaa bilowday kadib markii taageerayaasha Shiikh Axmed Al Assir oo ah wadaad sunni ah uu ku baaqay shacabka Sunnida ah inay ka hortagaan farogelinta xoogaga Xisbullah ee Shiicada ah ku hayaan dagaalka ka socda dalka Siiriya.




Kooxaha Sunniyiinta ee taabacsan wadaadka ayaa weeraro ku qaaday goob saldhig u ahayd ciidamada Milatariga dalka Lubnaan waxana goobta ku geeriyootay 12 ruux oo ka wada tirsana ciidamada milatariga Lubnaan.




Ciidamada Militariga ayaa hawlgalo ay bilaabeen isku dayey inay soo qabtaan kooxdii weerarkaasi geystay iyo waliba Shiikh Axmed Al Assir taasi oo keentay in dagaalka sii xoogeystay. Shiikh Al assir ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay is difaacaan.




Dadkii ku sugnaa goobaha ay weeraradu ka dhaceen ayaa u xaqiijiyay ABCnews in ay arkeen gawaarida ciidamada oo kusii qulqulaysa xaafadaha magaalada Sidon waxayna kala kulmeen iska caabin xoogan kadib marki ayey yiraahdeen gantaalo maqal culus ah lagaga soo tuuray dhanka iyo xaafada waxayna qasab noqotay in ciidamadii ay ugasoo baxaan xaafada ay dagan yihiin sunniyiinta dalka Lubnaan.