Hargeysa( )Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa sheegay inaan Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Saami qaybsigii uu xaqa ugu lahaa Somaliland aanu ka helin intii xukumada hadda talada haysaa jirtay.
“Awdal waxa ka mid ahayd meelihii Gooni isku taaga Somaliland lagu Aas-aasay .waxay ka mid ahaayeen dadkii ka qayb qaatay in Qarankani uu dhidibaddiisa isku taago, waxaanay Awdal ka mid tahay Gobolada Ugu nasiibka badan Somaliland oo mar walba meesha looga talinayo Dalka way joogtaa”.
Mar hore madaxwayne ku xigeen ayay ka soo noqotay, waxaa ka dambeeyay Daahir Rayaale oo madaxwayne ka gaadhay iyo hadda oo uu madaxwayne xigeen ka yahay Mudane Saylici. Dhinaca kale Xukumaddan maanta jirta waxaa aad loogu dhaliilaa inaanay Saamigii ay xaqa u lahaayeen ka helin Reer Awdal .
Madaxwaynahana dhawr jeer ayay la kulmeen Xildhibaanada Guurtida iyo Wakiilada ee Gobolada Awdal iyo Salal iyagoo Arintaasi kala hadlay balan qaadyo badan ayuu madaxwaynuhuna sameeyay oo uu leeyahay waxbaa ka qabanayaa, laakiin ilaa hadda ma jiro wax uu ka qabtay waana looga fadhiyaa in Gobolku ka helo Xaqii uu ku lahaa Somaliland.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Dilal waayadii dambe ka dhacayay degaanka Xariirad isagoo sheegay in xukumadani gaabiska tahay dhinaca Sirdoonka iyo in la soo qabto Cida dil ama dambi gaysata.
“Dawladii hore ee Daahir Riyaale waxay aad ugu Adkayd Ciidamada iyo Sirdoonka oo Qofka Qof dila markaaba waa la qaban jiray waana la xidhi jiray sidaas ayayna Beeluhu ku kala nabad gali jireen.hadda waxaad Arkaysaa Qof ayaa wax dilaya lamana soo qabanayo Markaas ayuu Reerkii wax laga dilayna Aano bilaabayaa sida hadda ka dhacday Xariirad oo dad walaalah oo wada daga dil ka dhacay.
Dilku marka uu dhaco waxaa ka hawl galijiray Odayaal waana la dhamayn jiray oo wasaarada Arimaha gudaha oo kaashanaysa Guurtida ayaa cuqaasha iyo wax garadka la shiri jirtay sidaasana lagu xalin jiray laakiin hadda waxaad moodaa inaan xukumadani aanay isla haysan.”
Xasan Faaraxa Qamaan
Gobanimonews
qamaan1982@gmail.com