Sunday, June 23, 2013

Wasiir Maxamuud Xaashi: Milaygii Maayarnimada iyo Mudanaha Baarlamaan (q.4)‏


Markii uu waddanku xoroobay Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu noqday duqii koowaad ee caasimadda Buro, weydiin arrintaas ku saabsan oo ahayd “waxaad ahayd maayarkii ugu horreeyay ee magaalada Burco yeelato adigoo dhallinyaro ah markaa bal waxaad ka warrantaa waxyaabihii kusoo maray muddadaa aad maayarka ahayd”?. Waxa uu kaga jawaabay “waxay ahayd arrin adag oo hawshiisa leh waxaanan aamin sanahay in maanta oo aan ka gu’ weynahay kana waayo aragsanahay in aan maalintaa ka ragannimo badnaa, ta kale anigu xilkaa maan filayn in la ii magacaabo waayo waxay ahayd maalin adag oo hawl badan oo dalka la qabsaday oo markaasuun faqash laga saaray oo aanay waxba jirin oo eber wax laga bilaabayo, sidaa darteed anigu xilkaa mana doonan mana filayn waxaanan is lahaa waxaa la magacaabi doonaa raggii waawaynaa ee halgankana waday, umana jeedo markaan sidaa leeyahay in aanan han lahayn laakiin waxaan is lahaa maalintaadii maaha oo waa lagaa weyn yahay waana lagaaga waayo-aragsan yahay. balse waxaa na lagu magacaabay saddex nin oo kala ah maayar maayar ku xigeen iyo xoghaye,




 




Madaxdii waaweynayd ee SNM saraakiishii ciidanka ee magaalada qabsaday iyo wax garadkii ayaa shiray oo tashaday isla gorfeeyayna in magaalada maayar loo magacaabo aniga ayaana maayar la ii magacaabay ku xigeenNa waxaa loo magacaabay Axmed Sheekh Cismaan oo geeriyooday ALLAHA unaxariistee xoghayena Maxamed Faarax Qabille. Waxaanu maamul ka noqonay magaalo imika la qabsaday oo ay ku sugan yihiin saddex kun iyo dheeraad ciidan ah oo dhammaan noloshoodii ay saaran dawladda hoose, waxaan noqday maayarkii ugu horreeyay ee ugu da’da yaraa ee Burco soo mara waayo waligeed dhaqan umay lahayn in dhallinyaro maayar ka noqdo, markaan xilkaa qaaday waxaan ka faa’iidaystay oo aan maalay maskaxdii bulshada, waxaanan nasiib u yeelanay in aan noqday maayarkii marti-galiyay shirwaynihii ugu horreeyey ee beelaha Somaliland ay isugu yimaaddaan ee lagaga dhawaaqay Somaliland waxaanan ILLAAHAY ugu mahadinayaa siduu noogu asturay, waxaanu noqonay magaaladii ugu horraysay ee ciidankeedii habaysay, cashuur bilawday, maamulkeedii shaqeeyay ee noqotay halka ugu ammaansan dalka ee la isku hallayn karo, waana ta sababtay in lagu qabto shirweyyihii koowaad ee Beelaha Somaliland ee lagaga dhawaaqay gooni isu taagga Qarannimada Somaliland”.




 




Haddii aynu faahfaahin kooban ka bixinno madashaas  Buco ee lagu go’aamiyay soo laabashada gobnimada Somaliland oo ay ka qaybgaleen ergooyin ka kala socda dhammaan beelaha Somaliland oo isugu jira siyaasiyiin, qurbe-joog, ganacsato, abwaanno, haween, culimo iyo madax-dhaqameedyo, waxa uu ahaa shirkii kowaad ee heer qaran ah intii laga adkaaday dawladdii Soomaaliya. Shirkan waxa dhaqaalihiisa kaalin ka qaatay qurbe-joogga Somaliland, dumarkuna kaalin laxaad leh ayay ka geysteen ururinta maaliyaddaiyo qabsoomidda shirka.




Waxa uu qorshuhu ahaa in ay Burco ka dhacaan laba shir oo u kala horreeya sidan:




Shirka Guurtida, oo ku suntaa Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, iyo




Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM




 




4.2.5                   SHIRKII GUURTIDA, SHIRKA WALAALAYNTA BEELAHA WOQOOYI




Shirkani waxa uu qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/Mey/1991, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar. Gebagebadii shirkan waxa ka soo baxay lix qodob oo kala ahaa:




1.      In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur




2.      In lagu dhaqmo shareecada Islaamka




3.      In la sugo nabadgelyada Woqooyi




4.      In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi




5.      In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi




6.      Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.




Markii ergada shirka Burco loo akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.




 




Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad. Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon kaddib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha.




 




Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa




1.      In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah




2.      In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.




3.      In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.




4.      Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.




Sannadkii 1993-kii Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ka mid noqday golihii wakiillada Somaliland ee Boorama lagu dhisay, halkaas oo uu ka tirsanaa laba iyo toban sanno, laba weydiimood oo ku saabsan shaqadaas baarlaamanka ayaa u dhignaa sidan “Markii aad xildhibaanka noqotay ka mid ah golaha wakiillada Somaliland iyo ragraad golahaa ka wada tirsanaydeen bal wax nooga sheeg?  Waxa kale oo jira amintaas aad golaha wakiillada ka midka ahayd maxaa sababay in aad inta badan madaxwaynihii xiligaa aad iska soo hor jeedsataan?”




 




Waxa uu Maxamuud Xaashi isaga oo weydiimahaas ka warcelinaya yidhi “ sanadkii 1993-kii ayuu qabsoomay shirwaynihii labaad ee beelaha Somaliland oo ahaa shirkii ugu weynaa ee nabadaynta iyo dhismaha golayaasha qaranka oo ay ku suntantahay magaalada Boorame, markaa anigu kama mid ahayn ergadii tooska uga qayb gashay laakiin korjooge ayaan ahaa, intaan Boorame joogayna wax badan ayaa iiga kordhay hadday dhaqanka tahay iyo hadday dal iyo dad barasho tahayba, waxaanan ka korodhsaday waayo-aragnimo badan oo xataa imikadan dib ii an facday, waxaan ka mid noqday 75 xubnood ee Golihii Wakiillada Somaliland ee halkaa lagu aasaasay, waxaanan ahaa mudanihii ugu da’da yaraa xilligaa ee ka mid noqda baarlamaankii ugu horreeyay ee Boorame lagu soo dhisay, wuxuu ahaa gole aad u miisaaman oo qamaamuur iyo qoorwayn fara badani ku jirtay. Waxaa guddoomiye noo ahaa Axmed Cabdi Xaabsade, wasiirka hawlaha guud ee imika ku xigeenka koobaad waxaa ahaa Alle ha u naxariistee C/Ramaan Baydaani. Waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo )madaxwaynaha imika. waxaa ku jiray jaamac Maxamed Qaalib, Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo Ibraahin Maygaag Samatar.markaa wuxuu ahaa gole aan wax badan ka korodhsaday.




 




Runtii aniga iyo Madaxweynihii Xilligaa Alle u naxariistee Maxamed X.Ibraahin Cigaal waxaanu ku kala aragti duwanayn uun sida wax loo wadayo laakiin kumaanu kala duwanayn mabaa’diida guud ee qarannimada quseeya, Cigaalna wuxuu ahaa nin wayn oo siyaasiya oo bisil laakiin wax turxaan reeba ama cadaawad gaar ahi nagamay dhaxayn. Kollayna qoodhu mar iyo lababa way isku baxsataa.




 




La soco qaybta shanaad haddii Alle idmo




Siciid Maxamuud Gahayr