Tuesday, June 25, 2013

Dowladda Malawi oo go’aan ka soo saartay Qaxootiga dalkeeda jooga iyo Soomaali Badan oo Ka Siihaajireysa.


(GNA) Qoraal ka soo baxay Dowlada Malawi ayaa waxa lagu sheegay in Dowladda ay waddo qorshe ay dib ugu soo celineyso qaxootiga Ajanabiga ah ee dalkeeda ku sugan.




Malawi, waxa ay sheegtay in la joogo xiligii ay Dowladda dib u celin laheyd gabi ahaan Qaxootiga gaar ahaan kuwa ay dalkooda xiligaani ka jirto nabad galyo.




Qorshahan ay ku dhawaaqday Malawi ayaa sida Mas’uuliyiinta dowlada ay tilmaameen waxay bilaabanayaan bilaha Juun iyo Decembar ee sanadkaan aynu ku guda jirno,waxaana dowlada ay shaacisay inay arintaasi guddi u saareyso.




Dalka Malawi ayaa waxaa ku sugan qaxootiga gaaraya 18,000 oo ka kala yimid wadamada inta badan ay ka jiraan qalalaasaha Sida Soomaaliya,waxaana intooda badan ay ku nool yihiin Magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi iyo waliba deegaanada kale ee ka fog magaalada.




Qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku sugan ayaa waxa ay iminka bilaabeen inay isaga baxaan Dalka Malawi ka hor inta aysan Dowladda Malawi ka tuurin dalka Somalia, waxa ayn wararku sheegayaan in Ciiddamadda amaanka ay guryaha kasoo daad gureynayaan Qaxootiga halka kuwa xirooyinka ku sugana ay ku bilaabeen tirakoob.




Wadamada qaxootiga dib loogu celinayo ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Rwanda halkaasi lagu sheegay in iminka xaalada amaan ay tahay mid wanaagsan qaxootigana looga baahan yahay inay dib ay ugu noqdaan dalkooda.




Mar dowlada ay soo hadal qaatay xaalada Soomaaliya,waxay ku tilmaantay in Soomaaliya hada ay ka socdaan dadaalo lagu nabadeeynayo wadanka bur buray,qaxootigana ay awoodaan inay ka helaan dalkooda dib u dejin wanaagsan