Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan hal Ruux ayaa ku dhintay Qarax Miino oo lala eegtay Gaadhi Bas nooca dadweynaha qaad ah oo marayay SOS ee degmada hiliwaa, ee Magaalada Muqdisho.
Ruux kale ayaa la sheegay inuu Qaraxaasi Dhaawac ka soo gaadhay, iyadoo bur-bur badani soo gaadhay Gaadhigii Miinadu la kacday.
Labada qof ka dhintay waa Wadihii Gaadhiga ka kalena waa Kiriishboygii, sida ay noo xaqiijiyeen Goob-joogeyaal ku sugan halkaasi.
Nooca qaraxa ayaa lagu sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso,waxaanay goob-joogayaashu ku soo waramayaan in Miinadan oo dhulka ku aasnayd u muuqato mid ay soo saareen Biyaha Roobku.
Gobanimonews
Muqdisho Office