Waxaa Ciidanka ilaalada baanka dhexe ee somaliland Bilawgii Bishan June ka qabteen masaajid Rusheeye ee hargeysa mawliid aadan cumar oo ah muwaadin Aragti haboon oo uu ku saxaayo shaqada uu qaranka u hayo baanku Ku Qoray qaarka mid ah saxaafada somaliland, Iyadoo uu Jawaab Ka bixiyay Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Sidoo Kalena Waxaa Saxaafada Qaarkeed Lagu Baahiyay Jawaab uu Mawliid Ugu Jawaabayo Afhayeen Magaciisa Qariyay Taas oo ay ka muuqanaysay Cay lafo-Jabah Iyo Af-lagaado Qaawan, Kana Baxan Anshaxa eedaynta iyo isdifaacaba.
Hadaba Waxaa Layaab leh Isagoo Baanku Ujawaabay, Aflagaadona ku qaaday mawliid Inuu Hadana Xadhig iyo Ashkato Sameeyo, Waxa Iyana Qalad ah In Ilaalada Baanku aanay haysan Amar Qabasho, oo Muwaadinkan Loogu Gabood Falo Goob Cibaado.
Mawliid Waxa uu ilaa iyo hada ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee hargeysa Isagoo Maxkamadi Soo Rumaan Garaysay 2 jeer.
Talaabada Xadhigani Waxay Gaf Ku Tahay Dhamaan Xeerarka Qaran ee uu Dastuurku ugu sareeyo, iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha,
Waxaan usoo jeedinayaa Masuuliyiinta Baanka Inay ka noqdaan Dacwada mawliid, Maadama oo ay jawaab iyo cay xad-gudub ku ah sharaftiisa ay u geysteen,
Garsooraha Iyo Hay'adaha Baadhista ee kiiskaas gacanta ku hayana waxaan leyahay Ilaahay Waa Idin arkayaa ee Eex ka fogaada oo Isku eega Qoraalada Labada dhinac, Waxaydin arki Xadgudubka Jawaabta Baanka Dhexe.
Qalinki:i Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed.
Hargeysa/Somaliland