Muqdisho(GNA)-Maamulka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa gabi ahaan bur buriyay Suuqii Qudaarta lagu iibin jiray ee ku yaalay Degmadaasi kana mid ahaa Suuqa Weyn ee Bakaaraha .
Suuqan la bur buriyay ayaa ahaa mid sharci daro ah oo ku yaalay wadooyinka hareeraheeda iyadoona ay aad u adkeed marka suuqaasi mareyso in si caadi ah wadada u marto cariiriga jira owgeed iyo goob kasto oo noqotay meel wax lagu iibiyo.
Maamulka Degmada Hodan gaar ahaan Laanta Taleex ayaa isku xil saaray bur burinta guryo iyo sanaadiiq sharci daro ah oo ka dhisnaa suuqaasi iyadoona wali ay tahay mid socoto bur burinta lagu hayo goobaha Sharci darada ah.
Wariye ka tirsan Mareegta Allbanaadir oo booqday Suuqa Qudaarta ayaa sheegay in isbadal badani ka muuqdo suuqaasi, iyadoona aysan jirin wax ganacsi ah oo halkaasi kasocday maadama inta badan ay saameysay bur burinta ,darbiyada guryaha halkaasi kuyaala oo Sanado badan aan la arag ayaa banaanka usoo baxeen kadib markii la bur buriyay jiingado iyo sanaadiiq sharci daro ah oo ku hor dhisnaa guryahaasi.
Gudoomiyaha Waaxda Taleex ee Degmada Hodan Calas Maxamed Guure oon kula kulanay halka uu ka socday Bur burintan ayaa sheegay in qorshahooda yahay in ay bur buriyaan dhismooyinka sharci darada ah sidoo kale ay hagaajiyaan wadooyinka Muhiimka ah oo in mudo ah xirnaa ayna adkeyd dadka xitaa in cagtooda ku maraan balse markaan qorsheenayaan in ay dhisaan si dadka iyo gaadiidka si saani ah ugu maraan.
Qaar kamid ah maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkan ku howlanaa bur burinta dhismooyinka sharci darada ah iyo sidii loo hagaajin lahaa wadooyinka Muhiimka ah ee Degmooyinkaasi iyadoona Degmada Howl Wadaag ay hada tahay Hormuudka Degmooyinka Magaalada Muqdisho marka laga eego dhinaca hor marka iyo amaanka.
Muqdisho Office