Hargeysa(GNA)-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Caawa soo saaray Isku shaandheyn cusub iyo magacaabis Masuuliyiin cusub.
Wareegto ka soo baxday Caawa abaaro Kawdii iyo dheeraad, ayuu Madaxweynuhu ku magacaabay Wasiiro cusub oo tiro badan, kuwaasoo dhamaantood u muuqda kuwo siyaasada ku cusub.
Halka kuwo uu xilalka ka qaadayna meelo kale u magacaabay.
Ugu yaraan 19 Masuul oo xukuumaddiisa ka tirsan ayuu Ashkhaas cusub keenay, halka kuwo kale oo Golihiisii hore ah Wasaarado kale u bedelay.
Wareegtadan, waxa ka dhex muuqda Hogaamiyihii SSC, ahaana wasiirkii Dib u dejinta Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye ) oo loo magacaabay wasiirka Caafimaaadka, Wasiirkii hore ee duulista Hawada ee Xukuumaddii Rayaale Cali Maxamed Warran-cadde loo magacaabay Wasiirka arrimaha Gudaha.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah loo magacaabay Maxamed Biixi Yoonis oo ah siyaasi cusub.
Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu halkan ku bedelay Wasiirkii hore ee Hawlaha, Caafimaadka warfaafinta iyo Macdanta iyo biyaha oo uu qaarkood meelo kale u bedelay qaarna Eryay.
Digreetada Madaxweynaha oo lagu shaaciyay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay Afhayeen Axmed Saleban Dhuxul, ayaa u dhignayd sidan:-
War-saxaafadeed
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu caawa soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartoodad, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN UNA MAGACAABAY XILALKAN:-
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
SIDOO KALE WAXA MADAXWEYNUHU UU XILALKII AY HAYEEN UU KA NASIYEY WASIIRADAN HOOS KU QORAN:-
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.