(GNA) Ilma yar oo todobo bilood jir ah ayaa la dhibaateysan wax u eg seynta xayawaanka oo ku teedsan laf dhabartiisa ilaa dabada oo sii weynaanaysa todobaad walba, wiilkan oo lagu magacaabo Xiao Wei ayaa u dhashay isagoo leh seenta ama dibka xaywaanka oo kale walow aaney bul bul ama tin laheyn seeynta wiilkasi yar ku taala,
ay soo shaac baxday hooyada dhashay wiilka Chen Wei oo ka soo jeeda gobolka Guangdong ee koonfurta Shiinaha waxaysheegtay in dhaqaatiirta ay ka codsatay in seynta ay ka jaraan wiilkeeda balse suuragal ma aaney noqon in la jaro waqtigan ayay ku taliyeen dhakhaatiirta sida ay sheegtay hooyada dhashay ilmaha yar.
Sida oo kale waxaa ka hadlay mid katirsan Waaxda Caafimaadka Shiinaha oo ka hadlay xaalada naadirka ah wiilka yar ayaa sheegay in seynta ay la xidhiidho habdhiska neerfaha sidaas darteedna ay khatar badan u keeni karto caafimaadkiisa sidaas darteedna aaney ku deg degin qaliin xiligan,
Dr. Huang Chuanping oo ka mid ah dhaqaatiirta la socda sida ay u sii koreyso ama u weynaaneyso seynta wiilkaasi ayaa sheegay in wax xoogaa ay ku sii kordhaan todobaad walba hadana waxa ay gaadheysaa 10 centimeter ayuu yidhi.
Ugu danbeeyntii arintaan lagu arkay ilmaha yar ayaa naxdin iyo argagax ku beertay waalidiinta dhalay iyo dhamaan dadka la kulmay iyadoo ay ka mid tahay mucjisaadka lagu arko aduunka oo maalin walba ka dhaca daafaha Caalamka.