Waxaa mudo 21 cisho ka soconayey goroonka hargaysa stadium ciyaaraaha gobolada jamhuuriyada soamaliland oo ay ka soo qayb galeen 13 gobol ay ka koban tahay
Sida aynu lawada socono waxay shirkada wadiniga ah ee somtel ayaa sheegtay inay bixinayso gaadhi noociisu yahay crownka oo ay sii nayso laacibka ugu goolaasha badan oo ay iminka u sharaxan yihiin saddex laacib oo mind afar gool dhaliyey kuwaas oo kala ah
Zikaawe(sanaag) 4 gool
Abdiriyaad (maroodi jeex) 4gool
Maxamed amiin (daad madheedh) 4gool
Hadaba suaashu waxay tahay maxaa lagu kala saaraa marka laaciib ay isku goolal keenaan sida ay sheegayaa qaynuunka u yaal kubada cagta aduunka waxa lagu kal saraa marka ay isku goolal noqdaan labadabn shuruudood ee soo socda
In la eego laacika goolashu uu saaxiibadii u baasay oo dhashy(assists)
In la eego hadba kan wakhti yar ciyaaray(fewer minutes )
Hadaba haday labadaa shuruudood la raaco aynu soo qaadano labo tusaale oo lagu kala saaray laacibiin isku goolal ah.
2010 world cup waxa isku goolal noqday dhowr laacib oo kala ah
1. Thomas Mueller (5 goals, 3 assists)
2. David Villa (5 goals, 1 assist)
3. Wesley Sneijder (5 goals, 1 assist)
4. Diego Forlan (5 goals)
Hadaba iyadoo ay sidaas tahay hadana FIFA waxay gudoonsiiyey laacibka reer Germany ee Thomas muller oo ay ku sii say isagoo ka goolal samayn badan saddexda laacib ee la tertamayey, waayo wuxuu dhaliyey 5 gool wuxuuna sameeyey 3 gool halaka david villa uu dhaliyey 5 gool wuxuuna sameeyey 1 gool markaas sidaas ayuu muller ku qaatay kabaha dahabka ah
Aynu eego iminka qodobka labaad oo laaciblka ugu wakhtiga yar
2012 European cup wax isku goolal iyo goolaal sameenba noqday dhowr laacib oo kala ah
Fernando Torres (Spain) 3 goals, 1 assist
Mario Gomez (Germany) 3 goals, 1 assist
Hadaba maxaa lagu kala saaray ladadan laacib ee isku goolasha iyo samayntaba noqday?
Waxaa kabaha dahabka ah ku guulaystay laacibka reer Spain ee TORRES sabab too ah wuxuu ka yaraa minuteska uu ciyaaray marka loo eego Mario Gomez, marka koowaad waxay isku mid noqdeen goolasha ay dhaliyeey iyo inta gool ay baaseen oo dhashay, sidaas sharcigu yahay waxaa la eegaa qodobka labaad oo ah ayaa waakhti yar ciyaaray FERNANDO TORRES baa loo aqoon saday inuu ka wkhti yar yahay Mario Gomez, sidaasna ku hantiyey kabaha dahabka ah
Wasiirka ciyaaruhu muxuu usoo qaadan waayey world cup 2010 iyo euro 2012 oo aynu labada kor ku soo xusnay, halka uu ka soo qaatay world cup 1994 oo barigaa aanay jirn shuruuc lagu kala saaro laacibinta isku goolasha ah
Waxa kale oo wasiirka ciyaaruhu ka sheegay xaflada inuu arkay laacib lagu siiyey goolal dhalinta hadba ka goolka hor dhaliya iyo kan goolka ku danbeeya taasina maaha mid jirta,
Aynu kusoo noqono hargaysa iyo ciyaaraha gobolada sharciga caalamiga ahi uu siinayo gaadhia ay bixisay shirkada somtel laacibka reer sanaag ee ZIKAAWE sababtoo ah kuu ka minutes yaryahay marka loo eego labada laacib ee uu la tartamayo MAXAMED AMIIN IYO ABDIRIYAAD wuxuu ZIKAAWE ciyaaray hal ciyaar iyo badh halka uu ABDIRIYAAD ciyaaray 7 ciyaarood MAXAMED AMIINA 6 ciyaarood,
Taasi waxay cadaynaysaa inaanay FIFA cidna waxba isla wadaajin oo ay leedahay shuruuc lagu kala saaro laacibiinta,aad baan uga xumahay in wasiirka ciyaaruhu uu iska indha tiro shuruucda lagu maamulo kubada caalamka oo uu keeno xeer jajab kaas oo uu ugu kala qaybiyey seddexda gool dhaliye gaadhigii ay bixisay shirkada somtel
Mubaarik A. Salah
063 4473390
Mubaarik_2012@hotmail.com