Monday, June 24, 2013

C/qaadir C. Cumar:Shar-waduhu wuxuu ku soo tala galay waa shar ee waan in laga hortago Alshabaab.


Muqdisho(GNA)-Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar ayaa ka digay weeraro Al-Shabaab ka geystaan xarumaha muhiimka ee dawladda, isagoo ugu baaqay hay'adaha ammaanka inay ka feejignaadaan.

C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ahaa Hogaamiyeyaashii midowgii Maxkamadaha ayaa sheegay inay mar kasta suura gal tahay in Al-Shabaab ay weeraraan xarumaha muhiimka dowladda.

"Dhibaato weyn ayay aheyd dhacdadii dhowaan dhacday, qofka sharka wada mar walba wuxuu ku soo tala galay waa shar, laakiin waxaa la rabaa in wixii dhacay lagu cibro qaato oo laga hortago inaanay  mar kale soo noqon"ayuu yidhi Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar, isagoo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-Shabaab mar walba beegsadana meelaha xanuunka badan, ayna doonayaan inay siyaasada dowladda ku gil gilaan, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in mar walba laga feejignaado.

Waxaa uu ugu baaqay hay'adaha amniga inay heegan buuxa galaan, si ay uga hortagaan weeraro uu sheegay in Al-Shabaab doonayaan inay mar kale ku qaadaan xarumaha muhiimka ee dowladda, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay weeraradii Xarunta UNDP iyo kii Maxkamada Gobolka Banaadir.

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku goodisay inay sii wadi doonto weerarada ka dhanka Dawlada somaliya iyo asxaabteeda , waxaana weerarkii ugu dambeeyay ee Xarunta UNDP uu ahaa mid calaamad u ah sida Al-Shabaab mar walba weeraro qatar ah uga geysan karo magaalada Muqdisho.




Gobanimonews




Muqdisho  Office