Hargeysa(GNA)-Ubadka lagu xanaaneeyo Xarunta darbi jiifka ee mustaqbal ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta Mudaharaad cabasho ah ka dhigay Agagaarka xaruntaasi oo ku taalada degmada maxamed mooge ee Magaalada Hargeysa.
Cabashadan ayaa dambeysay ka dib markii sida ay sheegeen wasiirka shaqada iyo Arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Bare Garaad uu xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimaha Xaruntaasi Maamo Luul Xasan mataan waa kuwan qaar ka mida Caruurtaasi oo ka hadlay Arintaasi
Qaar ka mida Dadka jaarka la ah xaruntaasi iyo waalidiinta Ubadka qaar ayaa iyana halkaasi ka hadlay waxaanay sheegeen inaanay jirin cid u dhaanta Luul Xasan Mataan Xaruntan, iyagoo wasiirkana u soo jeediyay inuu hadimaynta ka daayo Caruurta laga Ururiyay Darbiyada iyo Dooxa Hargeysa
Ugu dambayn waxaa halkaasi ka hadashay Maamo Luul Xasan mataan oo soo bandhigtay warqad Wasiirka Arimaha shaqada Somaliland u soo diray oo uu xilka kaga qaaday islamarkaana uu kaga dalbanayo inay xilka ku wareejiso Agaasime waaxeed ka tirsan wasaaradiisa.
Waxaanay shirkadaha dahabshiil, Telesom iyo culimadii ka qayb qaatay tabarucaadkii lagu dhisay xaruntan, ugu baaqday inay kala cadeeyaan in goobtan caruurta loo dhisay iyo in Dawlada la siiyay.
Muranka ka dhexeeya Maamulka xaruntan iyo Madaxda Wasaaradda qoyska iyo Arrimaha Bulshada ayaa mudo dheer soo jiitamayay,waxaanu saamayn dhinaca horumarinta Nolosha ah ku yeeshay dadka halkaasi lagu xanaaneeyo, iyadoo wasaaradu hore uga jartay Raashin iyo Kharashaad kooban oo Miisaaniyada loogu daray.
Xaruntan ayaa la dhisay afar sanadood ka hor, waxaana dhismaheeda iska kaashaday xubno mutadawiciin ah iyo Ganacsatada reer Somaliland lacago badan ugu deeqay, waxaana intii la dhisay dar-yeel nololeed ka helay Ubad badan oo nolosha Darbi-jiifnimada qabatimay, ka dib markii ay Guryahooda ka baxdoobeen.
Soo noqnoqoshada cabashada iyo Khilaafka Maamul ee ka dhex aloosan Madaxda Wasaaradda iyo Saraakiisha gacanta ku haysa, ayaa u muuqda mid salka ku haya kala hororsi Mucaawimooyin loogu deeqay xarunta oo sida la hadal hayo Wasaaradda hunguri kaga jiro.
Gobanimonews
Hargeysa Office