(GNA) Dowladda faransiiska ayaa shaaca ka qaaday qorshaheeda ballaadhinta digniinaha laga bixinayo halisaha caafimaad ee cabitaanka sigaarka electeroniga ah ee lagu cabo goobaha dad weynaha.
Qaraarka arrintan ayaa yimid ka dib fariimo iyo degniino is daba joog ah oo uu soo gudbiyay mid ka mid ah khuburada sigaarka electeroniga ah oo laga yaabo in lagu soo dhajiyo goobaha dadku isugu yimaado ama mehradaha ganacsiga .
Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda faransiiska Roselyne Bachelo yaa sheegeysa in suurta gal ay tahay in talaabadani ay noqoto talaabo wanaagsan oo ay dadka caba sigaarku iskaga goynayaan sigaar cabbidda,in kastoo ay dhibaato ku tahay tani dadka kale ee aan iyagu cabin sigaarka marka ay timaaddo in goobaha dadku iskugu yimaadaan lagu soo dhajindoona fariimaha digniinaha ah ee ku saabsan aaladda sigaarka electeroniga ah.
Sigaarka electeroniga ah ayaa iyadoo aan la adeegsaneyn aaladaha sida leetarada oo uu ku shidmayo taasi beterri jaaj gareysan.
Nikotinta ku jirta sigaarka ayaa lagu siinayaa hawada iyadoo uu adeegsaduhu kala dhanbaalayo aalada kadibna uu ku shubanayo budada sigaarka marka la shido aaladda kadibna Kaarbon labo Oxyside ayaa toos loo siideynayaa.
Mid kamdi ah ganacsatada iibisa sigaarka electeroniga ah ayaa tilmaamay inuu aaminsanyahay in xayiraadaha sigaarkan ay dood kululi weli ka taagantahay.
Sigaarkan cabidisa loo adeegsanayo aalada electeroniga ah ayaa ka digaayaan dhaqaatirtu inuu sababayo dhibaato xagga caafimaadka ah .
Xafiiska ka hortaga sigaarka dalka faransiiska ayaa baahiyay warbixin tilmaameysa in cabitaanka sigaarkan ay sanad weliba gudaha wadanka faransiiska ugu geeriyoodaa ugu yaraan 37 kun oo ruux.