Monday, June 24, 2013

Guddiga ka Hortaga Tahriibka hadii laga waayo 4-taa qaybood wax ay qaban karaan majirto!by. Mohamoud Ismail.


 




Marka hore ilaahay ayaan u mahadnaqayaa ina siiyey amniga iyo caafimaadka aynu ku socono kuna fikirayno
Marka hore ilaahay ayaan u mahadnaqayaa ina siiyey amniga iyo caafimaadka aynu ku socono kuna fikirayno waxna ku baranayno,kuna shaqaynayno ilayn hadii aanay intaasi jirin noloshu suuragal inoomay noqoteene.




Intaas kadib hadii aan fikirkayga ka dhiibto Guddigan ka Hortaga Tahriibka iyo Shaqo Abuurkka ee uu Madaxwaynuhu Magacaabay. Anigu waxaan qabaa in guddidan loo baahnaa wakhtigan mid ka horeeya, balse caano daatay dabadood laqabaye waa arinfican in guddi loo sameeyo dhibtan ku habsatay qaranka. Waayo dhalin yardu waa mustaqbalkii dalkan waana dadkii dadkan badali lahaa ee hurmarna keeni lahaa.




Hadii aan soo koobo fikirkayga Guddigan dhamaantood waa Wasiiro waxay ku mashquulsan yihiin shaqadii ay qaranka u hayeen.




Sidaas darteed guddidan dhamaan Wasiirada ahi wax ay ku soo kordhinayaani majiraan waxan u arkaa kaliya umadda lagu jeedinaayo oo la tusaayo in  wax laqabaanaayo, waayo wasiiradu maxay ka qaban karaan Shaqo abuuris ?




Hadii la doonaayo in dadkan iyo dalkan wax loo qabto waxay ahayd in guddida laga qayb geliyo :-





  1. Ganacsatada si ay u sameeyaan shaqo abuuris dadka maal qabeenka ahi


  2. Aqoon yahano si loo sameeyo shaqooyin midha-dhal ah


  3. Culimada  si umada looga wacyi geliyo xaaraanta looguna dhiiri geliyo wanaaga


  4. iyo Dawlada ? oo looga baahan yahay wixii dhinaceeda ku xidhan




 




Guddidaasi hadii laga waayo 4-taa qaybood wax ay qaban karaan majirto ayaan u arkaa (waana shimbirayahaw heeesa hees wanaagsan heeesa).




Mohamoud Ismail




geelacase99@yahoo.com