Berbera(GNA)-Maareeye ku-xigeenkii Dekedda Berbera ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay dekeda.
Mustafe Waxdad oo Shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Berbera ayaa sheegay inuu shaqada uga tegay wada shaqayn la’aan ka dhexaysay Maareeyaha Dekedda Cali Xoor-xoor.
Waxa kale oo uu iscasilaadiisa ku sababeeyay Eedeymo uga yimi Maareeye Cali xoor-xoor oo ku eedeeyay sida uu sheegay inuu Dhul-dan guud ah qabsaday.
“Maanta waxaan iska casilay Xilkii Maareeye ku-xigeenka labaad ee Dekedda Berbera, ka dib markii aan la shaqayn kari waayay maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor oo ah nin aan lala shaqayn Karayn, mudadii sanadka iyo badhka ahayd ee aan dekeda joogayna aan u dulqaadanayay oo anigoo Ixtiraamaya Xukuumadda aan ka tirsanahay iyo Xisbiga Kulmiye oo aan ahay Xoghayihii Golaha dhexe”ayuu sheegay.
Maareeye Waxdad ayaa Cali Xoor-xoor ku eedeeyay inuu Hagar-daamo ku hayo Gobolka iyo horumarinta adeegyada Dekedda
“Cali xoor-xoor waa Ninkii ay Hay’adaha Caalamiga ahi Digreetooyinka ka soo saareen hadaan ku xasuusiyo Mudane Madaxweyne, waxaanu u ban baxay inuu umadda Jahawareeriyo, anigaanu igu eedaynayaa inaan Dhul Dan guud ah Seestay, anigu Dan guud waa Dan Guud oo waan Ilaalinayaa”.
Dhinaca kale Mustafe Maxamed Jaamac (Waxdad), ayaa sidoo kale cadeeyay inaanu jirin habayaraatee wax Dhul dan guud ah oo uu qabsaday ama sees ku xidhay “waxaan u cadaynayaa Umadda Reer Somaliland inaanu jirin dhul danguud ah oo aan sees ku xidhay ama aan xoog ku haystaa, Dhulka danta guud ahna Inaan Ilaaliyo mooyaane, inaan xado igama suurtowdo”ayuu yidhi.
Mustafe Waxdad ayaa ah Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaana xilka Maareeye ku-xigeenka 2aad ee Dekedda loo magacaabay dhamaadkii Sanadkii 2011-kii.
Gobanimonews
Berbera Office