Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo, ayaa magacaabay Guddi qaran loo Xil-saaray ka hortaga tahriibta iyo shaqo la’aanta.
Warsaxaafadeed Caawa ka soo baxay qasriga madaxtooyada ayaa Madaxweynuhu ka magacaabay xubno ka mid ah Golaha wasiiradda oo ka shaqayn doona joojinta Tahriibka iyo sidii shaqooyin Bulshada Tahriibaysa loogu abuuri lahaa.
Waxaanu Warsaxaafadeedkaasi oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Gobanimonews, u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa Magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka, isaga oo ka duulaya sidii loo soo afjari lahaa aafadaasi loona badbaadiyo da’yarta Dalka u soo koraysa.
Gudida Madaxweynuhu magacaabay oo ka mid ah Golaha Wasiiradu waxay kala yihiin:-
1. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hargeysa
2. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Hargeysa
3. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa
4. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Hargeysa
5. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Hargeysa
6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Hargeysa
7. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Hargeysa
Mudanayaal, Sida aad ka war-haysaan, waxa isa-soo-taraya dhalinyarada tahriibka u xadhko-xidhanaysa, kuwaas oo saamayn ku yeeshay Bulshadda Somaliland, maadaama tahriibku yahay aafo laga dhaxlo haligaad nafeed iyo ummadeed.
Haddaba, si aafadaasi loo soo afjaro, isla markaana loo badbaadiyo da’yarta, waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka. Waxaana guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Sidaa darteed mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.
Heerka tahriibka Dhalinyarada ayaa kor u sii kacayay sanadihii ugu dambeeyay, waxaanu marayaa heer uu guud ahaan bulshada wada saameeyo, isla markaana walaacii ugu xumaa laga muujiyay.
Waxaanu sida la hadal hayo isu bedelay nooc ka mid ah ka Ganacsiga Nolosha dadka, oo ay dejiyeen Shabakado isa xidhan oo Dadka tahriibiya Ilaa waddanka Liibiya oo ah marinka ugu weyn ee ay somalidu ka tahriibto.
Labadii bilood ee ugu dambeeyay ayaa dhalinyaro u badan reer Somaliland oo tahriibay ku dhinteen Bada u dhaxaysa Talyaaniga iyo liibiya, waxaanay dhalinayaradaasi u badnaayeen kuwo bilihii ugu dambeeyay dalka ka socdaalay.
Guddidan ayaa waxa hor yaala hawl aad u adag oo qaran ahaan saamaynteeda yeelatay, iyadoo ay ahayd in wakhti xiligan ka horeeya la magacaabo.
Gobanimonews
Hargeysa Office