Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan afar ruux ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen Qarax Bambaano oo ka dhacay Degmadda Qansax dheere ee Gobolka Bay, tiro kalena waxa ka soo gaadhay Dhaawacyo.
Qaraxa ayaa ka dhashay Bambo lala eegtay Gaadhi nooca Dagaalka ah oo ay wateen Kolanyo ka tirsan Ciidamada dawlada ee Gobolka Bay.
Ilaa hada lama xaqiijin tirade dadka ku dhintay Qaraxaasi, balse Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in la dhigay Cisbitaal ku yaal magaalada Qansax dheere.
Goob-joogayaal ayaa tibaaxaya in dadka dhintay isugu jiraan Askar iyo dad Shicib ah oo ka ag-dhawaa Goobta qaraxu ka dhacay, iyadoo wararku intaasi ku darayaan in Ciidamada la qarxiyay Safar ahaayeen oo aanay Magaaalada degenayn.
Ma jirto cid sheegatay Qaraxaasi, balse Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya inay ka dambeeyeen Dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab oo todobaadyadii u dambeeyay weeraro joogto ah ku soo qaadayay Ciidamada dawlada ee ku sugan Goboladda dhinaca Koonfurta Somaliya.
Gobanimonews
Muqdisho Office