Hargeysa,(GNA) – Ganacsatada yaryar ee ka shaqaysta xoolaha Nool ee Saylada Magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga dayriyey Dulin ku dhashay sayladaasi oo ay ku sheegeen magaciisa Kudkude, kaas oo sida ay tilmaameen qof uu qaniino uu ka qaadayo Xasaasiyad, isla markaana uu u dhiman karo. “Waxa Saylada Ka Dilaacay Dulin Kudkude la yidhaa oo qofka marka uu qaniino carabku ka soo dhacayo, oo jidhka qofku daba iyo dacal uu Elerjik uu qaadayo, illaahay ayaa sidaa igaga sareeyee dhawr jeer ayuu midh sun ahi i cunayoo Elerjikii aan qaaday Liindhanaan iyo toon ayaa la igu qaraariyey, dabeeto waxaan tagay farmasii wuxuu isoo siiyey Kiniinkii Elergic-ka jabinayey dee wakaase”.
Sidaasi waxa tidhi Sahra Muuse Jaamac (Sahra Fagaase) oo ka mid ah dadka ka ganacsada xoolaha oo shalay ugu warantay Saylada Xoolaha ee Hargeysa Wariye Axmed Cali waxaanay xukuumada ugu baaqday inay dadka iyo xoolahaba ka soo gaadhaan Dulinkaasi, waxaanay tidhi iyadoo hadalkeeda sii wadata.