Uruguay ayaa kulankeeda ugu danbeeyay ee Group B ciyaareysa iyadoo ku jirta kaalinta 3aad islamarkaana rajo ka leh inay ka sarre marto natiijada Nigeria ay ka gaarto Spain islamarkaana u soo baxdo semi-finalka.
Haatan Nigeria ayaa kaalinta labaad ku jirta iyadoo leh 3 dhibcood, halka Uruguay ay sidoo kale leedahay seddex dhibcood, laakiin farqiga goolasha oo afar gool ah waxaa badan Nigeria ka dib guushoodii 6-1 ee ay ka gaareen Tahiti.
Uruguay ayaana rajeyneysa inay guul weyn oo goolal badan ah ka gaarto xulka yar ee Tahiti islamarkaana goolal ka badan kuwa Nigeria ay ka dhaliyaan si ay ugu soo baxaan wareega afar dhamaadka wax kasta oo ay noqoto natiijada Nigeria iyo Spain.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Urugauy: Muslera; Pereira, Coates, Godin, Caceres; Gonzalez, Gargano, Arevalo; Forlan, Suarez; Cavani.
Tahiti: Gilbert Meriel; Aitamai, Ludivion, Vallar, Tehau, Lemaire; Bourebare, Caroine, Vahirua, Chong-Hue, Tehau.
Kulanka: Uruguay v Tahiti
Garoonka: Arena Pernambuco
Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Africa (SGA)
Tababaraha xulka Uruguay waxaa ka maqan Diego Lugano kaasoo ganaax ah ka dib labo jaale uu soo qaatay labadii kulan ee u danbeysay. Daafaca Liverpool Sebastian Coates ayaana sidaasi darteed ay u badan tahay inuu buuxin doono booskiisa.
Tababaraha ayaa sidoo kale ka faa’ideysan doona inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa, inkastoo ay u baahan yihiin goolal aad u badan, laakiin Uruguay ma awoodo inay yasto Tahiti si aysan riski u gelinin ceeb weyn oo soo gaarta.
Macalinka Tahiti Eddy Etaeta ayaa balanqaaday in dhamaan seddexdiisa goolhaye uu ciyaarsiin doono inta ay Brazil joogaan taasoo la micno ah in Gilbert Meriel uu kulankiisii ugu horeysay u safan doono Tahiti kulanka ay la leeyihiin Uruguay.
Etaeta ma qabo wax dhaawacyo kale uu ka walwalo.
MA OGTAHAY? |
Kulankaan waa kii ugu horeeyay abid ay labada xul ku kulmaan.
Diego Forlan ayaa kulankiisii 100aad u saftay Uruguay isagoo dhaliyay goolkii guusha ee kulankii Nigeria. Waxa uu haatan yahay ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan wadankiisa isagoo dhaliyay 34 gool.
La Celeste ayaa gaartay semi-finalka koobkaan hal jeer iyagoona halkaas ku haray.
Tahiti ayaa guuldaradii 10-0 ee ka soo gaartay Spain khamiistii waxa ay aheyd guuldaradii ugu weyneyd ee Koobka Qaaradaha.
Tahiti waxa ay qiimeynta adduunka ee FIFA kaga jirtaa kaalinta 138aad.
Xulka Eddy Etaeta goor hore ayay ka hareen koobkaan laakiin waxa ay ku guuleysteen qalbiyada tageerayaasha kubada cagta adduun