Wednesday, September 4, 2013

Xukuumadda oo Weerar siyaasadeed ku haysa Faysal Cali Waraabe iyo Yooyootanka ka dhexeeya oo Marxalad cusub Madaxa la gelay


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Bishii Jully Guddoomiyaha Xisbiga UCID ku eedeeyay inuu fashilay Siro badan oo qaranku leeyahay, isla markaana caqabad ku noqday wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya oo lagu daray Ergooyinkii Somaliland ka socday labadii kulan ee ka dhacay Anchar iyo London,hase ahaatee kii Wasiiraddu kaga qayb-galeen looga reebay shaki laga qabo inuu xidhiidh la leeyahay Dawlada Somaliya.




Eedeyntaasi waxay ahayd tii ugu weyneyd ee dhanka Xukuumadda kaga timaada hogaamiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo muddo ka hor Eedda loo soo jeediyay, si weyn Warbaahintu u qaadaa dhigaysay dareemo ka dhashay kulan uu magaalada London kula yeeshay Madaxweynaha somaliya  Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wasiirkiisa arrimaha Dibada Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.




Hase ahaatee Eeddeynta Wasiirka Madaxtooyada uga timi, waxa uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe maalin ka dib kaga jawaabay hadalo weerar celis ah oo uu ku soo bandhigay waxyaabo badan oo labadoodu isla ogaayeen iyo arimo ku saabsan hab-dhaqanka Wasiir Xirsi, waxaanu si gaar ah ugu raray inuu maroorsaday awoodda dalka iyo inuu mukhalas u samaystay fashilinta Sirta qaranka.




Teer iyo wakhtigaasi waxa isa soo taraya weedho qaaqaawan iyo qadafyada ay isdhaafsanayaan labadan Masuul oo midba midka kale doonayo inuu ku kiciyo duufaan siyaasadeed iyo dabaylo ka awood badan oo sameeya masuuliyadiisa iyo gaboodka  uu Xayndaabka siyaasadda kaga jiro.




Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa ka soo muuqanayay ilaa markii Khilaafku bilaamay Golle kasta oo Wasiir Xirsi ku lid ah, sida Munaasibaddo xukuumaddu qabsatay oo aanu ciseyn badan ku lahayn wasiirku, balse Guddoomiye Faysal oo si heer sare ah loogu maamuusay, Eedeymo hal-hays noqday uga soo jeediyay “Isbaarada Madaxtooyada”.




Geesta kale Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya siduu uga gacan sarayn lahaa Faysal, isla markaana sida Gobanimonews xogo hoose ku heshay gacan tugaalayn iyo weerar ba’an kaga haya Xisbigiisa gudihiisa, iyadoo sida muuqata loolanka labadan nin ka soo gudubtay dooddii ka abuurantay Golaha la baxay Madasha wada-tashiga.




Kuma koobna oo qudha dagaalka siyaasadeed ee labadan Nin hadalada afkooda ay iska yidhaahdaan,laakiinse waxay isu isticmaalaan dad kale oo ay  labada dhinac eedeymaha isu soo mariyaan.




Yooyootanka dhexeeya labada siyaasi oo dhinaca Xirsi Taageero ka haysto xukuumadda , ayaa  hada waxa ku soo biiray Khilaaf ka dhex qarxay Xisbiga UCID, kaasoo u kala safan garab Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigu wato iyo dhinac Guddoomiye Faysal la socda, waxaana khilaafkan dadka siyaasadda ka faaloodaa u sibir-saarayaan inay door ku leedahay Xukuumaddu, inkasta oo aan la hayn cadeymo la xidhiidha tuhunka la hadal-hayo.




Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hore wax looga saaray bur-burinta Xisbiga UCID oo laba kal hortood kala jab weyni ku yimi, laakiinset taasi may ahayn duruuf si cad loogula gartamay, inkasta oo faro-gelin badani jirtay.




Hada waxa muuqata in muranka Xukuumadda iyo Guddoomiyaha UCID uu sameeyo midnimada Xisbigan oo Doorashadii Golayaasha deegaanka kaga soo gudbay dib u soo kabasho sababteeda Jamaal Cali Xuseen iyo Garabkii Xisbiga UDUB kala soo guuray loo nisbeeyo, taasoo awooda xisbiga ee dhinacyada dhaqaalaha iyo taageerayaashaba kor u soo qaaday.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com