Hargeysa(GNA)-Shir Beeleedka hoodaale ayaa la xaqiiyay inuu Furmayo Berri oo Isniin ah, waxaana gelinkii dambe ee Maanta gaadhay Deegaanka Agabar Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi.
Sidaasi waxa caawa warbaahinta u xaqiijiyay Suldaanka oo waraysi kooban siiyay Hadh-wanaagnews"Maanta waa la guurey, berri (Isniin) uu furmayaa Shirweynaha beelaha SACAD MUUSE ee HOODAALE"ayuu yidhi.
Dhinaca kale xubno ka mid ah Ergooyinka ka qayb-gelaya shirka ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in berri I kama dambeys ah loogu balansanyahay furitaanka shirkaasi, isla markaana kalsooni badan ay ka qabaan arintaasi.
Maamihii u danbeeyey ayaa si weyn loo dareemayey dhaqdhaqaaqa Shiweynaha beelaha SACAD muuse, iyada oo ay weliba ergooyin Shirka ka qayb-gelayaa dhawrkii dharaarood ee ugu dambeeyay ku sii qul-qulayeen deegaanka Agabar ee Shirweynuhu ka furmi doono.
Qabsoomida Shirweynaha beelaha Sacad Muuse ayaa ka danbeeyey, kadib markii dhawaan la soo gebogabeeyey khilaaf dhinaca aragtida ah oo u dhaxeeyey Salaadiinta beelaha Sacad Muuse, kadibna ay is-gacan qaadeen, isla markaana isku afgarteen hanaanka iyo qaabka uu shirweynaha beelaha Sacad Muuse u qabsoomayo.
Balse furitaanka shirka oo Guddida qaban-qaabinaysaa aydhawaan iclaamiyeen inuu furmayo Axadda ayaa dib u dhacay maanta, iyadoo sida laga soo xigtay madaxdhaqameedka Berri rajo wanaagsan laga qabo inuu furmi doono.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com