Muqdisho(GNA) Maamulaha Shirkada Dahabshiil ee koonfurta dalka soomaaliya ayaa si kulul u beeniyey war laga baahiyey ,kaas oo salka ku hayey in lagu xidhay magaalada Muqwdsho.Maamulaha Shirkada Dahabshiil ee Koonfurta soomaaliya waxaa sidaasi ku sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray oo Nuqul ka mid ah soo gaadhay Xafiiska wararka ee Shabakada Somalilandtoday waxaanu u dhignaa sidan:-
Anigoo ah C/raxman Cali X. Xasan waxaan halkan idiinku caddaynayaa inuu been yahay warka sheegaya in la i xidhay , warkaasi waa mid la hal abuuray oo runta ka fog warbaahintuna ay ku deg-degtay, waayo waxay awoodi karayeen in ay ila soo xidhiidhaan ama ehelka ka xaqiijiyaan , si kastaba ha ka ahaatee taasi may dhicin.
Waxaan ku waaninayaa dhalinta warbaahinta u kacday inay ku daydaan raggii uga horreeyey shaqada ee sharafkooda iyo ka dadka iyo dalkaba dhawri jiray ee magaca iyo milgaha ku lahaa.
Sida : Ducaal , idiris , dalmar,Cabdi X . Gobdoon , C/lahi Xaaji, C/risaaq X maxd siraad, Cawke, Axmed Cali Askar ,Yusuf maxd Xayd ,Cagmadhige , Terra, Ibrahim maxd xasan Daanduray yabrow Xagar, Siciid Cali muuse, Axmed Siciid Cige ,C/nuur Sh maxd Isxaaq, Axmed Cabdinuur, iyo rag kale oo badan oo aanan qoraal ku soo koobi karayn. Kuwaas oo ummada dhexdeeda ku leh sumcad iyo qaddarin weyn oo qof waliba fadhiga uga kaco.
Waxaan kula talinayaa dhallinta hadda kacday ee warbaahinta kala duwan ka hawlgala in aanay run iyo been wixii ay maqlaanba qalinka ku boobin ee wax iska hubsadaan,
Qofka waxaa been ugu filan inuu wixii uu maqloba sheego, waayahan danbe waxaad arkaysaa qaar beentaba iyagu allifaya taas oo dhaxalsiisay in maanta xitaa haddii uu run sheegayo aan laga dhegaysan,
Waxaad arkaysaa qaar haddii lagu yidhaahdo Ri’ ayaa halkan magaalada agteeda qof ku cuntay aan iswaydiinayn suuragal ma tahay mise maaha oo qoraya ama warbaahinta kale ka sheegaya,
Waxaad arkaysaa rag caayaya oo dadka ummadda acyaanta ama indhaha u ah sida madaxda tujaarta, culimada , iyo qof kasta oo ahlu sharaf ah iyagoo baad kaga doonaya taasi maaha weriyenimo ee waa budhcad-warbaahineed .
Waxaad arkaysaa qaar qoraya warar sababi karaya isku dhac laba beelood oo marka horeba arrimo xasaasi ahi dhex yaaleen oo khasaare aad u weyni ka iman karayo, markaa ha ogaadeen in haddii dhimasho ama dhaawac iyo khasaare kale ka dhashaan in uu danbigaas isagu qabo .
Waxaan kula talinayaa dhammaan da’yarta soo kacaysa ee warbaahinta sallaankeeda qabsatay in aanay ku ababin been, xasad, qabyaalad, iskudir Iwm.
Dhaliishan dhalinyaradu ma wada laha ee qaar badan oo ragga aan xagga sare ku xusay la qiimo ah baa ku jira ,weedhayduna kuma socoto, ee waxaan la hadlayaa ragga canbaarta leh, ee sida khaldan u isticmaalaya shaqadan culus ee masuuliyadda u baahan.