Monday, September 23, 2013

Xukuumadda oo u Kuur-gelaysa Wershadaha dalka si wax soo saarkooda loo sugo


Hargeysa(GNA)-Masuuliyiinta Wasaaradda Wershadaha Somaliland, ayaa ku guddo jira Kormeer ay ku sameynayaan Wershadaha Wax-soosaarka ee dalka, kuwaasoo ay shalay booqdeen wershadii saddexaad ee ay kormeerkaasi ku sameeyaan.




Kormeerkan oo Ujeedadiisa lagu sheegay xogogaal u noqoshada tayadda iyo Tamarta Wershadaha dalka, waxa hormuud u ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wershada Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-guray) iyo Agaasimaha waaxda wershadaha, kuwaasoo shalay booqday wershada Furshaanta ee Al-kheyraad oo ka mid ah Wershadaha magaalada Hargeysa.




Cabdi Axmed Nuur (cabdi-guray), agaasimaha guud ee Wasaaradda wershadaha oo ka hadlay ujeedada kormeerkan ayaa sheegay “waxaanu bilownay Kormeer aanu ku samaynayno Wershadaha dalka si aanu u ogaano wax soosaarkooda iyo baahiyaha ay qabaan, bulshadana u tusno wax-qabadka wershadaha dalka oo muhiimad weyn dalka u leh”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “waxaanu tagnay Wershada Zam-zam ee Sharaabka la qaso iyo Nac-naca soo saarta , taasoo runtii aanu u bognay hawsha fiican ee ay hayso, waxa kale oo aanu booqanay Wershada Biyaha ee Dur-dur oo iyadana aanu u kuur-galnay wax soo saarkeeda, maanta (Shalayna), waxaanu joognaa Wershada Furshaanta ee Al-kheyraad , taasoo si fiican ay noogu soo dhaweeyeen Maamulka iyo shaqaalaheedu, waxaanay ka mid tahay wershadaha dalka faa’idada balaadhan u soo kordhiyay”ayuu yidhi.




Agaasimaha Guud ee wershadaha Somaliland, waxa kale oo tilmaamay in Kormeerkoodu ku waajahanyahay dhamaan Wershadaha dalka oo dhan “Kormeerkani waa bilow, waxaanan ku soo mari doonaa dhamaan wershaaha dalka oo dhan, iyadoo ujeedooyinka aanu ka leenahay ay ka mid tahay inay isku xidhmaan Wershadaha iyo Wasaaradda Qaranka u qaabilsan, bulshadana aanu ugu dhiiri gelino inay wershadaha dalkooda ka qayb-qaataan sidii loo horumarin lahaa”.




Xogogaal u noqoshada baahiyaha iyo wax-soosaarka Wershadaha dalka ee ay  wasaaraddu bilowday, ayaa daba socda shir dhawaan lagu soo gabo-gabeeyay Magaalada Hargeysa oo ay isfaham ku gaadheen warshedleyda iyo dawladu, kaasoo dhidibada loogu taagay  inay iskaashi iyo wada shaqeyn joogto ah  yeeshaan horumarinta koboca Wax soo saarka Maxaliga ah, si dalku uga maarmo Baddeecadaha dibada laga keeno ama loo yareeyo.




Gobanimonews




Hargeysaa Office




Email: editor@gobanimonews.com