Nairobi(GNA)-Iska hor-imaadyo ayaa Wali ka socda qaybo ka mid ah xarun Ganacsiyeedka Westgate Mall maalintii saddexaad, ka dib markii maalintii Sabtida ay weerar ku qabsadeen Koox Dabley hubaysan ah oo Kooxda Al-shabaab ka tirsan.
Dawlada Kenya ayaa sheegtay in dad tiro badan oo halkaasi la haysteyaal ku haa labadii maalmood ee la soo dhaafay la soo badbaadiya, ka dib markii iska hor-imaad ku dhex maray Ciidamada dawlada iyo Kooxda halkaasi ku jirta.
Afar ka mid ah Askarta Kenya ayaa la sheegay in iska hor-imaadkaasi lagu dhaawacay, halka dhinaca dableydana la sheegay in laba ka mid ah la dilay, waa sida uu sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Kenya.
Shaacinta dadka la soo badbaadiyay, ayaa ka dambeeyay Qaraxyo xoogan iyo Rasaas laba saacadood ka hor gudaha dhismaha xarunta la weeraray ka socotay, waxaana dawlada Kenya ku warantay inay ciidamadeedu la wareegeen inta badan dhismeyaasha xaruntaasi oo Kooxda dablayda ah laysugu geeyay Dabaqa afaraad ee Dhismaha.
Afhayeenka Ururka Alshabaab Sheikh Cali Dheere, ayaa sheegay inay dagaalyahanada dhismahaasi ku jiraa talaabo kasta oo ay naftooda ku badbaadinayaan samaynayaan, hadii laysku dayo in xoog lagu muquuniyo, waxaanu intaasi ku inay layn doonaan dadka gacantooda ku jira.
Rasaasta ay isdhaafsanayaan labada dhinac waa Milateriga gaarka u taba-baran ee Kenya iyo Maleeshiyada Ashabaabe, ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay laga maqlayay agagaarka goobtaasi.
Khasaaraha:
Dawlada Kenya ayaa Dhimashada ku sheegtay 62 qof, balse Hay’adda Laan-qeyrta Cas oo shalay xarun caafimaad ka sameysay dhismahan hoostiisa, ayaa tirada dadka dhintay intaasi ka badinaysa.
Dhaawaca ayaan ilaa hada tiro sugan la haynin, balse wararka laga helayo xarumaha Caafimaadka ayaa sheegay in Boqolaal qof halkaasi la gaadhsiiyay saddexdii dharaarood ee ugu dambeeyay, si gurmad Caafimaad loogu fidiyo.
Dadka oo kayuu ugu jira inay Dhaawacyada Dhiig u shubaan:
Kumanaan qof oo isugu jira Bulshada Rayidka iyo Madaxda dawlada ayaa kayuu ugu jira Cisbitaalada dadka dhaawac ah la geeyay, waxaanay doonaayan inay Dhiigooda ugu deeqaan dhibaneyaashaasi si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Dadka Somalida ah iyo Madaxda dawlada somaliya ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa ka qayb-qaadanaya dhiig bixinta, kuwaasoo la arkayay iyagoo Cisbitaalada booqanaya si ay Dhiig ugu soo shubaan dhaawaca.
Madaxweynaha Kenya oo Kulan la qaatay safiiradda Wadamada Caalamka u jooga Kenya:-
Madaxweynaha dawlada Kenya Uhuru Kenyaatti, ayaa kulan mudo qaatay la yeeshay Madaxda safaaradaha aduunka ee ku yaala Magaalada Nairobi,kuwaasoo Madaxweynaha ka tacsiyadeeyay dhibaatada weerarkan ka soo gaadhay Shacbiga iyo dawlada Kenya.
Madaxweynaha ayaa ku amaanay muujinta dareenkooda ay kula qaybsanayaan dhibaaatada dhacday, waxaanu mar kale ku celiyay in dalkiisu nabad iyo degenaanshiyaha mandaqada jecelyahay, weerarkan laga fuliyay Nairobi-na uu yahay xaq daro ah.
Xaaladda oo aan la garanayn waxay ku dambeyn doonto!:
Inkasta oo xalay Madaxweynaha Kenya laga soo xigtay inay wada hadal la gelayaan Kooxda Xooga ku haysata Westgate Mall,taasina ay ka mid ahayd dariiqyada dawlada Kenya uga furan badbaadinta dadka wali gacantooda ku jira iyo inay kooxdaasi si ismiidaamin ah khasaare kale ku geystaan, hadani ma jirto cid saadaal sax ah ka bixin karta arintan.
Weerar awood loo isticmaalo oo ay Ciidamada Dawladu ku waajahaan Kooxdan ayaa ah arin aan la dhayalsan Karin khasaaraha ka iman kara, halka hadii wadda hadal lala furrona dooddu aanay noqon doonin mid sal fudud oo ay si yar Nairobi uga dabaalan doonto.
Waxaana xusid mudan in wakhti yar ka hor Korantada laga jaray guud ahaanba dhismahaasi, taasoo muujinaysa in dawladu go’aansatay inay awood u isticmaasho inay ka takhalusto Kooxda Hubaysan ee gudaha ku jirta.
Gobanimonews
Kenya Office
Email: editor@gobanimonews.com