Burco(GNA)-Xarunta Madbacada Burao Printing Center ee Gobolka Togdheer ayaa Abaal marino kala Gedisan Gudoonsiisay 20 Arday oo ugu sareeyay iskuulada Dawliga ah iyo iskuulada aan dawliga ahayn Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee sanadkan.
Abaal marintan oo isugu jirtay qalab waxbarasho iyo waliba lacago ayaa waxa lagu Gudoonsiiyay Xaflad lagu qabtay Hotel Deero ee Magaalada Burco taas oo ay kasoo qaybgaleen Dhamaan Maamulaayaasha Iskuulada Gobolka Togdheer,Maamulka Madbacada Burco Printing Center,Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Togdheer iyo waliba martisharaf kale.
Waxaana Ugu horayn halkaas ka hadlay Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid waxaanu yidhi''Waxaan aad ugu mahadnaqaynaa Madbacada Burco Printig ee garatay inay Ardayda jaa'isado Gudoonsiiso ee wixii ay ka qaaday kusoo celisay taasi waxay aradayda u tahay Dhiiri galin shirkadaha kalena waxaan leeyahay waa inaad ku dayataan,Anagauna ka wasaarad ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanu waxbarshada kor u qaadno,waxaanu ku talo jiraa inaanu Dugsi wal oo sare aanu u samayno Goob ay wax ku akhristaan,waayo maanta wax barashadu korbay u socotaa oo Dusiyada Sare ee Gobolkani waa illaa Sadex iyo Labaatan Dugsi,Ardayda maanta Gobolkani waxay Maraysaa 45000 kun oo arday.waxa kale oo aanu wadnaa dhiirigalinta hablaha mashruuc u gaara oo aanu iska kaashanayno anaga wasaarad ahaan iyo Midawga Yurub”.ayuu yidhi Gudoomiyuhu.
Axmed Ismaaciil(Axmed Nuur) oo isna ku hadlay afka Madbacada Burco printing ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dhiirigalinta ardayda si buu yidhi ay waxbarashadu hore ugu marto waxaanu tilmaamay inay ku farxsanyiiin ka Madabacad ahaan inay shahaadooyin Gudoonsiiyaan ardaydii kaalmaha ugu horaya ka gashay Gobolkan.
Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Maamulayaasha Dugsiyada, kuwaasoo ka mahadnaqay abaal-marinadan la guddoonsiiyaay Ardayda, iyagoo waalidiinta ugu baaqay inay la socdaanArdayda oo kun ilaaliyaan waxbarashada si aanay u dayacin waxbarshadooda.
Ugu danbayntiina Gudoomiyaha waxbarashada ayaa Gudoomsiiyay 20 kii Arady ee kaalmaha Hore kala Gashay iyo dad kale oo ay Madbacaddu shahaado saraf Ku maamuustay.
Axmed Muuse
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com