Nairobi(GNA)-Dawladda Federaalka somaliya ayaa cambaareysay Weerarka lagu qaaday xarun Ganacsiyeedka Magaalada Nairobi ee Westgate Mall.
Wasiirka arrimaha dibada, ahna reysal-wasaare ku-xigeenka Dawlada somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, ayaa sheegtay in dhibaatada weerarkaasi loogu geystay dawlada Kenya ay somaliya la qaybsanayso, isla markaana ay ka xunyihiin dadka lagu laayay weerarkaasi.
Foosiya Yuusuf ayaa intaasi ku dartay in Kooxda Al-shabaab ee dhacdadan sheegatay cadow ku yihiin Degenaanshiyaha Mandaqada oo dhan, isla markaana dhibaatooyinka noocan ah ee ay geysanayaan aanay waddada ka duweyn gulufka lagaga sifeynayo dalka Somaliya.
Wasiirka arrimaha Dibada Somaliya, ayaa si gaar weerarkan uga tacsiyadeysay Qoyska Madaxweynaha dalka Kenya oo xubno ka mid ah waxyeelo ka soo gaadhay “Dawlada Somaliya way ka xuntahay dhibaatada loo geystay dadka reer Kenya, tacsibaanan u direynaa horena waanu uga tacsiyadeynay, waanan cambaareynaynaa cida sheegatay”ayay tidhi.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibada somaliya waxay carabka ku adkeysay inay dawlada Kenya kala shaqaynayso sidii dib loogu soo celin lahaa nabad-gelyada dalka somaliya, iyadoo tilmaantay awooddii Ururka Al-shabaab bur-burtay, weeraradan ay hada fulinayaana ay yihiin kuwo naf-lacaaridnimo ah.
“Al-shabaab way bur-burtay oo waa Jabkoodii, inkasta oo ay sheegteen weerarkan, horena u sheegteen kuwo aanay geysan iyagu, hadana waa la sii wadayaa, waana laga sifeynayaa dhulka somaliya iyo meel kasta oo ay fowdo ka wadaan”ayay hadalkeeda raacisay.
Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo xarunta xalay weerarka lagu qaaday ayaa sheegaya in wali dagaal ka socdo goobtaasi, kuna hoos jiraan dhismaha Westgate Mall qaar ka mid ah dagaal-yahanadii xalay gudaha u galay.
Geesta kale, diyaaradaha Dagaalka ee dawlada Kenya ayaa dul heehaabaya Dhismahaasi, waxaana la aaminsanyahay in tiro dad ah oo aan rasmi loo xaqiijin qafaalasho loogu haysto halkaasi,isla markaana qaybta hoose ee Dhismaha Hay’adda Bisha Cas ka samaysay Goobo caafimaad oo gar-gaar caafimaad loogu sameynayo dadka dhaawacyadooda culusyihiin.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Ciidamada Dawlada Kenya 24-kii saacadood ee la soo dhaafayba halkaasi ku wareegsanyihiin, isla markaana xabaddo goos-goos ah ay isku ridayaan Kooxda dagaalyahanada ah.
Madaxweynaha Dawlada Kenya Uhuru Kenyaati, ayaa isaguna hada ka hadlay weerarkan, waxaanu sheegay inay dalkiisu difaacayaan nafaha dadka Kenyaanka ahoo uu sheegay inay yihiin kuwo nabad-gelyadu udub dhexaad u tahay “waxaanu nahay dad nabadeed, waxaanan ka xunahay waxay argagixisadu sameynaayan” ayuu ku yidhi hadal uu goor dhaweyd si toos ah Telefishanada uga jeediyay.
Khasaaraha ka dhashay weerarkan, ayaa dhimashadiisu cago-cagaynaysaa 59 Qof, dhaawacana aan xisaab lagu hayn, balse boqolaal ku dhawdahay.
Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa la sheegay inay u dhasheen waddanka ingriisk, waxaana Reysal-wasaaraha dalka Ingiriiska oo hadlay uu sheegay inay koox xaqiiqo raadin ah u dirayaan Dalka Kenya, si ay u soo hubiyaan dadka British-ka ah ee halkaasi ku dhintay.
Gobanimonews
Kenya Office
Email: editor@gobanimonews.com