Wednesday, September 4, 2013

Burco: Maamulka Gobolka oo Xadhiga ka Jaray Riig loo sameeyay Xarunta Agoomaha Tabaruca loogu Dhisay ee Xaafada A.salebaan


Burco(GNA)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji) ayaa xadhiga ka jaray Riig loogu talo galay Xarunta agoomaha ee Xaafada Aadan Saleebaan ee Magaalada Burco.




Mashruuca Riigan oo ay fulisay Bisha cas ee imaaraadka carabta, waxa munaasibadda lagu furay  ka soo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Togdheer,Agaasimaha Wasaarada Biyaha C/risaaq Naakhuude,Golaha Degaanka Degmada Burco,Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer iyo waliba Xubno Qurbajoog ah oo iyagu isu xilsaaray dhismaha xaruntan.




Waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi oo Bulashada ugu baaqay inay xaruntan gacan ka gaysataan.




 waxaanu yidhi''Meeshani yadoo banaan ah ayay Maskaxdeedii iyo Muruqoodii galiyeen Hablo ay hormuud u tahay Amaal Cali oo hada inala joogta,waxaan leeyahay agoomahu waa cida ugu wacan in wax la taro,waxaan leeyahay dadka Gobolkani waa inay gacan kasoo gaystaan sidii wax loogu qaban lahaa hawlaha tabaruca iyo xaruntan agoomaha  waana in laga wada shaqeeyaa hawlaha noocan oo kale ah.
Agaasimaha Guud ee wasaaarada Biyaha ayaa isaguna sheegay in baahi weyn loo qabay hir-gelinta Mashruucan, in masuuliyadiisa la ilaaliyaana daruuri tahay,''Ceelkan oo ahaa ceelashii ay inoogu deeqday dawlada Imaaraadka,hawshiisa illaaay waa inoo fududeeyay waayo waxa loo qodayay dadkaas waayay waalidkood,hadana anaga ayaa shirkadan dhistay nagu wareejisay oo Masuuliya diisii na saarantahay”ayuu yidhi.
Amaal Cali Maxamed oo iyaduna ka mid ah qurbajooga iyagu xaruntan agoomaha dhismaheeda isu xilqaamay ayaa iyaduna sharaxaad ka bixisay halka ay u marayso dhismaha Xaruntani waxaanay sheegtay ''hada waxaa inoo dhamaaday ceelkii oo biya macaan laga soo saaray,dayrkeedi waa Boqol mitir,Galaasyadii Xafiisyadii,hoolashii iyo Hurdadii iyo qaybihii kaleba way socdaan,waxaan aad iyo aad ugu maadnqayaa cidii gacan ka gaysatay waxaan leeyahay  wixiinii may qasaaroobin ee waaku waas dadka kalena waxaan leeyahay sidaas uga qaybqaata”.
Xildhibaan C/laki Xasan,shiikh yuusuf Cabdi cawed,Agaasimaha shirkada Genal,injineer Maxamed ayaa damaantood iyaguna aad ugu maadnaqay xaruntan agooomaha cidii ka qayb qaadatay waxaanay dadka Reer somaliland ka cod sadeen inay is-taakuleynta  halkaasi laga sii waddo.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com