Boorama-(GNA) Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Md. Axmed Muumin Seed ayaa maanta shir jaraaid oo uu ku qabtay gudaha magaalada Boorama waxa auu kaga waramay wax uu ugu yeedhay saamayn tabane ah oo kordhinta cashuuraha xoolaha iyo gaadiidku ay ku yeelan doonaan nolosha dadka reer Somaliland hadii ay ansixiyaan xildhibaanada golaha wakiiladu.
Gudoomiye ku xigeenku isaga oo ka waramaya waxa u dhexeeya cashuur bixinta iyo cashuur kordhinta waxa uu yidhi “Cashuurtu waa ilaha dakhliga ee dalka, waana waajib in la bixiyo, sababta oo ah waa astaanta kala soocda qofka muwaadinka ah iyo qofka kale, axsaabta mucaaridka ahina ma diidana cashuurta ee waxa aan ka soo horjeednaa oo aanaan sinaba u ogolaanaynin cashuur kordhinta guracan ee ay caadaysatay xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, iyada oo tii u dambaysay ay tahay hindisihii uu hor keenay golaha wakiilada Wasiirka Madaxtooyadu”
“Waxa aan ogsoonahay in wacyiga iyo noloshu ay maanta tahay mid adag oo aanan samaxayn in muwaadinku bixiyo cashuur aad u badan oo hubaal ah inay saamayn ku yeelanayso nolosha dadka ee dhinacyada maciishada iyo waxbarashada. Waa markii afaraad ee inta xukuumadani jirto la kordhiyo cashuurta, dhinaca xoolaha cashuurta la damacsan yahay in lagu kordhiyo ma qaadi karaan, oo xoolaha ugu badan dalkeena waxa ay uga yimaadaan Ethiopia, hadii sidan lagu adkaystana waxa ay u wareegi doonaan dhinaca dekedaha kale ee dalalka aan jaarka nahay, taasi oo soo dadajin doonta in dekeda Berbera ee ah isha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalku ay xidhanto, sidoo kale gaadiidka cashuurta lagu kordhinayaa waxay ku noqonaysaa dhabar jab, waxa hadaba jira in dad badan oo baabuurtii xamuulka qaadi jirtay lahaa ay baabuurtoodii dhigeen markii ganacsade walba soo iibsaday baabuur, hadaba waa su’aale halkee ayay dadku ka keenayaan cashuurta dheeriga ah ee la dul saarayo” ayuu yidhi Gud. Ku xigeenku
Dhinaca kale waxa uu gudoomiye ku xigeenku soo faqay wax uu ugu yeedhay meesha ay wax ka qalbameen, waxana uu yidhi “Waxa jiray qalad hore oo ay golahan wakiiladu sameeyeen kaasi oo ahaa in wasiirka duulista iyo hawada ay ka ogolaadaan inuu kordhiyo cashuur 10 doolar ah oo dadka rakaabka ah la saarayo, maantana waa mar kale oo uu wasiirka Madaxtooyadu la yimid hindisahan muranka dhaliyay ee lagu kordhinayo cashuurta gaadiidka, runtii waa dawlad uu aad u qaldan yahay hanaankeeda dawladnimo, side ayay wax u soconayaan hadii wasiir walba soo samaysto miisaaniyad oo uu golaha ku yidhaa ha la ii ansixiyo cashuur aan dadka dhiiga kaga jaqo, mida kale ee yaabka leh oo ku tusaysa in dawladani ay tahay mid si guracan u shaqaynaysa waxa ay tahay, wasaarad walba waxa ay u qaabilsan tahay shaqo gaar ah, dhinaca cashuuraha xukuumada waxa u qaabilsan wasaarada Maaliyada, mana jirto meel ay Wasaarada Madaxtooyadu ka soo gasho cashuraha iyo miisaaniyada”
Md. Seed waxa uu golaha wakiilada iyo gaar ahaan xildhibaanada laga soo doortay gobolka Awdal ugu digay wax uu ugu yeedhay bar madow oo taariikhda gasha waxana uu yidhi “Waxa uu golahu sameeyay khalad hore, hadii markana uu qalad kale galo oo uu ansixiyo in cashuurahan lagu muransan yahay waxa ay taariikhda ka gali doonaan bar madow oo aan waligood ka tirmi doonin, sidoo kale waxa aan la hadlayaa xildhibaanada reer Awdal ee golaha wakiilada waxana aan leeyahay way idin soo eegayaan indhaha dadku, waxa la ogyahay inaad shirar gasheen oo aad arintan u ogolaateen inay idinkala shiraan dad kale oo la ogg yahay, sidaasi aawadaad waxa aan idiinka digayaa inaad bari farta u taagtaan xeerkan, waxana hadii aad ansixisaan xeerkan aad noqon doontaan kuwo taariikhda meel madow ka gala”
Ugu dambayntii gudoomiye ku xigeenku waxa uu ka tala bixiyay meelaha ku haboon ee cashuur kordhinta lagu samayn karo waxana uu yidhi “Waxa aan ku talo bixin lahaa hadii cashuurta oo ah mid waajib ah la rabo in la kordhiyo in laga kordhiyo dhinacyada waxyaabaha aan daruuriga ahayn ee ay ma mid yihiin Jaadka iyo Sigaarku, balse uma baahna xoolaha iyo gaadiidka oo saamayn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelan kara nolosha aasaasiga ah ee dadku in lagu kordhiyo cashuurta
Wariye mustafe caraale
Caraale_143@hotmail.com
Borama office