Wasiirka Arrimaha Dibedda ee JSL Mudane Maxamad Biixi Yoonis, ayaa si ba’an uga murugooday ka dib, markay soo hordhigeen madaxdii Shirkadda Shidaalka ee Genal Energy ee ay kula kulmeen magaalada London, waraaqo ay qoreen dad reer Somaliland ah oo shirkadda ay ugu sheegayaan, in iyagoo Qabiil hebel ah aanay oggoleyn in shidaal laga soo saaro dhulkooda, sidaa darteed ay iskaga baxaan.
Haddii ay sidaa yeeli waayaan waxa ay u sheegeen kuwa waraaqaha u qoray, in wixii kasoo gaadha ee dhibaatooyina aanay iyagu ka noqon doonin mas’uul. Waraaqahaa sida Wasiirku ku caddeeyey warkii uu saxaafadda siiyey Sabtidii toddobaadkan, waxay kuwaa iskaga dhex qasmay dantooda shakhsiga ah iyo ta Qaranimadda uu ku tilmaamay, inay tahay mid aad looga yax-yaxo, markay Madaxdii shisheeye ee aad ugu tagtay inaad kala hadasho danihii dalkaaga, ay kuu sheegaan, welibana ku soo hordhigaan waraaqihii ay qabiil hebel iyo qabiil hebel u soo kala qoreen uguna sheegayeen inay dhulka iyagu iska leeyihiin, sidaa awgeed aanay dooneyn in shidaal iyo wax la mid ah toona laga soo saaro!.
Haddaba, Fadeexadihii iyo ceebihii qaawanaa ee beryahan dembe ragga mucaaridka ahi dhegaha shacbiga ugu shubayeen, si ay isaga horkeenaan Xukuumadda iyo dadweynaha, ayaa waxa hadda caddaatay in madaxdii Axsaabta qaarkood iyo siyaasiyiintii mucaaridka sheeganayey ee arrintaa sida xoogga leh u dhaqdhaqaajinayey, ay haatan yihiin kuwa loo tuhunsan yahay inay iyagu yihiin kuwa ka dembeeyey, in waraaqahaa hanjabaadda ah loo qoro Shirkaddii sahaminta shidaalka ka waday meelo ka tirsan Gobollada dhinaca barri ee Somaliland. Waxa sidii qorshahoodu ahaa ka dhashay waraaqahaa oo ku xigay in goobaha qaar lagu rasaaseeyo hawl-wadeennadii Shirkaddii Genal Energy, ka dibna sidaa kaga baxaan dalka, maadaama hore qoraallo digniino ahi u soo gaadheen.
Waxa aan marnaba loo dul- qaadan karin in mucaaridnimadu gasho doorka uu qadiyadda Somaliland ka ciyaaro cadawga Somaliland, mana aha tan oo kale wax lagu tilmaami karo mucaaradnimo, balse ciddii ku kacday arrintan lala damacsanaa in lagu shirqoolo, laguna go’doomiyo Dawladnimadda Somaliland, waa waajib qaran in la mariyo wixii ay sharciga ka mudan yihiin, taas oo dawo u noqon doonta in la horumariyo dhaqaalaha iyo xasiloonida dalka, sidoo kalena soo jiidi kartaa Shirkadda Shidaalka ee Genal Energy iyo kuwa kale ee danaynaya maal-gashiga dalkuba ku soo dhiiradaan. Mucaaaridnimadu waxay leedahay qiyam iyo xuduudo aan laga gudbin Karin, hase ahaatee mar hadday sidan oo kale iskugu dhex qasayaan danta guud ee Qaranka iyo tooda oo tii guud ay ka door bidaan inay ku kacaan wax kasta oo ay ku gaadhi karaan danahooda, Dawladnimo maaha in xadhiga loo sii daayo oo indhaha laga qarsado, haddii kale mucaaradaddeena ayaa sidaa qallooca ah ee la midka ah ta kaalinta cadawga innala mari doonta waxyaabo kale oo ka sii darran.
Qoraalladii beenta ahaa ee loo gudbiyey Shirkaddii Shidaalka ee sababay in dalka ay kaga baxaan, sidoo kalena uu bixitaankoodii ahaa mid u iftiiminayey bulshada Caalamka intoodii hammiga ku hayey inay wax-taraan ama maal-gashi ku sameeyaan Somaliland ifafaalo xun, miyaanay markaaba dib u liqayn candhuuftooda oo aanay meelo kale u leexinayn dhaqaalihii ay u soo wadeen dhinaca Somaliland, maadaama halkay hammiga ku hayeen [Somaliland] ay nafahooda kala soo baxsadeen Shirkadihii maalgashiga ka bilaabay? Jawaabtu waa cadahay oo cid walba waxay naftooda iyo maalkoodaba gashanayaan halka aanay wax qeylo ahi ka soo yeedhin, waxase shirqoolladii qoraal ee been abuurka ahaa afka ka soo xidhay oo salladaha qashin qubka ku soo riday Alle ha ka abaalmariyee Wasiirka Arrimaha Dibedda oo lagu tilmaami karo ruug caddaa wax badan ka tari doona xagga Diblomaasiyaadda oo muddaba ka ciilanaayeen Xukuumadihii Somaliland.
Su’aasha kale ee meesha taallaa una baahan in la saro oo la kala saafo, ayaa waxa ay tahay, ma yahay mid lagu dhaafi karo oo indhaha laga qarsado ciddii Somaliland ka gudbisay qoraalladaa uu daboolka ka qaaday Wasiirku, in la soo hordhigay markuu Shirkaddii Shidaalka ugu tagay London, si uu ugala soo xaajoodo waxyaabihii ku kallifay inay dalka si kedis uga baxaan? Xaqiiqada marka loo noqdo muddo dheer, ayaa siyaasiyiinta Somaliland u adeegsanayeen mucaaradadda, siyaabo lid ku ah jiritaanka Qaranka iyo inay caqabado shirqool oo dabar ku ah horumar kasta oo ay kow ka tahay qadiyadda Somaliland ku kacayeen, balse aan wax tallaabo ah laga qaadi jirin kuwii dhigayey shirqoolladaa, taasina waxay sii dhaawici jirtay uun milgihii hoggaamineed ee Dawladnimo. Waxa kale oo tallaabooyinkii noocaa ahaa mugdi sii gelin jireen rabitaanka shacbiga ee ah inay mar uun ay ka mid noqdaan oo Calankooda laga barbar taago Calannada dalalka dunida ee ka hor babanaya Golaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee ay ka midka yihiin Ururrada Midowga Afrika, ka Carabta iyo ka Islaamkaba.
Haddaba, si loo saxo dariiqa mucaaradadda, loona xoojiyo milgaha hoggaanka dawladnimo, isla markaana ay Somaliland uga gudubto siyaasadda cadawtinimo ee ku jiq-siida ah ee inna soo daashatay, xakamahana ku noqotay horusocodnimada dalka, waxa lagama maarmaan ah oo waajibna ku ah Xukuumadda, in si aan gabbasho iyo warwareeg midna lahayn loogu caddeeyo shacbiga ciddii dembiga ka gashay, loona gudbiyo hay’adaha sharciga ciddii u gudbisay qoraallada lidka ku ah magaca dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somalilandba, haddii kale walligeen ma noqon doono Qaran jira oo ixtiraam iyo kala dembeyn leh, tallaabo kasta oo wax lagu saxayaana waxay u baahan tahay geesinimo iyo daacadnimo ee taana hoosta hallaga xarriiqo oo maanta arrintan fulinteeda ha lagu dhaqaaqo.
Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)
Senior Journalist and Ex Solna Chair Man