Hargeysa(GNA)-Afhayeen u hadlay Guddi ay samaysteen Iskaashatooyinka Gaadiidleyda Somaliland ayaa sheegay inay Cabasho ka dhan Cashuuraha Wasaaradda madaxtooyadu ku soo rogtay ee Xeerka horumarinta Wadooyinka ku jira ay u gudbiyeen Shir-guddoonka Golaha wakiillada Somaliland, ka dib cabasho ay saaka la hortageen Aqalka Wakiillada, cabashadaasoo Shir-guddoonka Goluhuna ka qabtay.
Xasan Aar Cabdillaahi oo Xoghayaha Guddi farsamo oo ay sameysteen Gaadiidleyda Somaliland ayaa Gobanimonews, ayaa sheegay in ka hor intaanay cabashadooda oo qoraal ahayd gudbin, ay handidaad iyo cago-juglayn kala kulmeen xubno ka mid ah Golaha wakiiladda oo u Ololeynaya in xeerkaasi iyo cashuurta lagu jideynayaba la ansixiyo, kuwaasoo uu sheegay inay hadalo deelqaaf ah iyo cabsi gelin kala kulmeen.
Xoghayaha Guddida ay iskaashatooyinka Gaadiidka Somaliland samaysteen, waxa kale oo uu sheegay in Ciidamo Bilays ah looga dalbaday Saldhiga dhexe si loogu cabsi galiyo.
“Saaka markaani Golaha la hortagnay cabashada waxaanu Shir-guddoonka u gudbinay qoraal cabasho ah oo aanu kaga soo horjeedno Cashuuraha nalugu soo rogayo oo runtii aanaan qaadin Karin,iska bixin Karin,markaanu eegno awoodayada dhaqaale, shir-guddoonku way naga qabteen cabashada, waanan u bandhigay waxaanu ku diidanahay iyo awoodayada dhaqaale, laakiinse intaanaan Shirguddoonka u gelin xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa noo geystay cago-jugleyn iyo aflagaado aanaan ka galabsan, waxaanay nagu yidhaahdeen waa la ansixinayaa, mana diidi kartaan, anniguna waxaanu ku nidhi waxaanu u soconaa oo aanu u hadlaynaa dadkii na soo doortay”ayuu yidhi.
Dhanka kale waxa uu tilmaamay Xildhibaanada uu ku eedeeyay inay faro-gelinta iyo handidaada u geysteen, waxaanu yidhi“Xildhibaanadaa waxa ka mid ahaa Xildhibaan Nac-nac, Cabdiraxmaan Dheere iyo Kijaandhe, waxaanay markii hore isku dayeen inay naga hor-istaagaan Aqalka Golaha, iyadoo markii aanu gudaha galnayna Bilays noo dalbaday oo noogu hanjabay iyagoo Mudaneyaashii la soo doortay ah inay nagu xidh-xidhayaan muujinta Dareenkayga, taasoo aanu u aragno arin deelqaaf nagu ah”ayuu yidhi Xasan Arr Cabdillahi.
Waxaanu intaasi u daray “cabashada aanu golaha u gudbinay waxaanu ku sheegnay inaan bixin Karin cashuur ka badan ta iminka nalaga qaado oo xad dhaaf ah, waayo Gaadiidleydu iminka iyagaaba dhaqaale ahaan aad u liita oo waad aragtay oo basaskii waxay iska reebeen oo ay lacag u waayeen Inamadii Kiriish-boyada ahaa ee la socon jiray, inta jeer ee ay maalintii baxaan way yartahay, sanadkiina waxa nalaga qaadaa cashuuro fara badan oo dawlada hoose iyo xukuumadda dhexeba naga qaadaan, markaa waxaanu leenahay ma qaadi karno, cashuurtan madaxtooyadu soo rogtay”.
Mar uu ka hadlayay waxay yeelayaan hadiiba Golaha wakiiladdu xeerka sidiisa ku ansixiyo, waxa uu yidhi “annagu waxaanu ka koobanahay Guddi ay soo doorteen Iskaashatooyinka Gaadiidka Somaliland oo dhami, waxaanu yeelayno waanu ognahay, waxaanan samaynaynaa Mudaharaad qaran, waayo hadii lacagtan nalugu sharciyeeyo ma shaqayn karno”ayuu yidhi.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com