BOORAMA (GNA)-Maayarka Degmada Garba-dadar Cabdi Cabdilaahi Kaluunle (Cabdi Hindi) iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degaankaasi ayaa ka waramay xaalada degmada iyo in la soo afjaray gabi ahaanba xiisad mudo kooban qaadatay oo dhex martay dawlada hoose ee Garbodadar iyo dadka degaankaas oo kala qaybsan.
Gudoomiye Cabdi Hindi oo khadka taleefanka kula soo xidhiidhay shabakada ayaa uga waramay sida loo soo afjaray xiisadaasi waxana uu yidhi “Wax walba oo dhacay waxa ay ahaayeen is maandhaaf ku salaysnaa in aan arintii ay dawlada hoose ee degmadu waday ee biyo galinta aanan la isla eegin, waxana jirtay in dadka degaanka oo aanan hubsan waxii dhacay ay isku qamaameen oo gacan ka hadal aan hubaysnayni uu dhex maray dadna ay ku dhaawacmeen, qaar kalena loo xidhxidhay”
“Arinta waxa soo faro galisay xukuumada gobolka, waxana la isa soo hor fadhiisiyay beelahii xiisadu dhex martay, arintiina waxa loo dhameeyay si wanaagsan, iyada oo ay beelahu kala qaateen waxii mawlaxo ahaa ee u dhaxeeyay, hawshii biyo galinta ahaydna waxa aan dib u bilaabi doonaa maalinta sabtida ah ee soo socota”.
Sidoo kale oday Yaasiin Ibraahim Casoowe, Caaqil Mustafe Maxamed Cabdilaahi Caaqil Cariish Maxamed oo iyaguna la soo xidhiidhay saxaafada iyaga oo wada jooga ayaa ka marag kacay in xiisadaasi la soo afjaray, beelaha degaanka Garba-dadarna ay maanta yihiin kuwo waloolo ah, una diyaar ah inay hormarka degmada ka qayb qaataan waa sida ay hadalka u dhigeene.
Dhinaca kale waxa ay Maayar Cabdi Hindi iyo Odayaashan dhaqankuba ku celceliyeen in khasaarahu uu baahay, kadib markii ay isgaadhsiinta taleefanku noqotay mid culus oo aanan saamaxayn in gurmad loo diro xarumaha ciidanka amniga ee gobolka, waxana ay ugu baaqeen masuuliyiinta Telesom oo ah shirkada ugu wanaagsan ee ka hawl gasha degaankaasi ee dhinaca isgaadhsiinta ah inay wax ka qabato turxaan bixinta culayska dhinaca isgaarsiinta ah ee marar badan ka jira degaankaasi Garbo-dadar.
Si kasataba ha ahaatee xiisadan Garbo-dadar oo dhacday dabayaaqadii bishii hore ee ina dhaaftay ayaa waxa ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 20 qof oo qaarkood dhaawac culusi soo gaadhay loona qaaday cisbitaalada Djibouti iyo Hargaysa. Sidoo kale waxa loo xidhxidhay xiisadan oday dhaqameedyo degaankaasi ah markii dambana la sii daayay. Iyadoo ay mudan tahay in la sheego in xiisadani ay dhacday kadib markii ay beel ka mid ah beelaha degaankaasi is hor taagtay biyo galin loo samaynayay qoxooti iyo dad barakacsan oo degan duleedka magaalada Garbo-dadar
Wariye Mustafe caraale
Caraale_143@hotmail.com
Borama office