Hargeysa(GNA)-Xubno ka mid ah Dalada Madasha wada-tashiga iyo toosinta Somaliland oo Magaalada burco ku qabtay shir-jaraa’id ayaa xukuumadda ku eedeeyay Musuqmaasuq iyo Maamul xumo baahday, waxaanay si xoog ah u dhaliileen safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku maray Goboladda Bariga qaarkood.
“Waxaanu halkan kasoo jeedinaynaa in Madexweynuhu umada u cadeeyo Waxan uu u diidan yahey in Wasiirkiisa Macdanta iyo Duulsta Hawadu ay Baarlamaanka hor yimaadaan oo umada u cadeeyaan Musuqmaasuqan lagu eedeynayo Hadeynu Reer Burco nahay Waxaanu leenahay Ragaasi Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranku waa Ragii Waaweynaa ee Snm xaqbay u leeyihiin in ay hadlaan waxaanay yidhaahdeen Muhiimada Madexweyne La Xisaabtan dadkaaga Madexweynuhu Mushkilad ayuu galinayaa dalka si aan loola Xisaabtamin kolba Ciidanbaa la daadinayaa Hargeysa habeen walba Ciidamada ayaa la cadibayaa, weydin arkeyseen shaley waxa lagu diley Berbera Afhayeenkii Xisbiga Ucid oo ay gacan saareen ninka Dekeda Haysta iyo Ciyaala Suuq la Socda oo Guulwadayaal Waligoodba la yaqaaney ah umada iyo Shacbigu way kula Xisaabtamyaane aawey Cashuurtayadii ayay ku leeyihiin kolba meel ha isku qaadin Madexweyne”sidaa waxa yidhi Siciid Xaaji Axmed Qulumbe oo kamid ah Xubnaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.
Sidoo kale Siciid Xasan Nuur Waaye oo ka mid ah xubnaha shirkaasi qabtay ayaa sheegay“Waxaan aaminsanahay hadaan la helin cid hadasha oo ka hadasha Wacyiga taagan inaan waxba jirin, waxaan leeyahey Ragaa Mujaahidiinta ahi in ay yihiin rag Wadankan wax badan usoo marey in ay yihiin ma noqon karaan rag wax burburinaya waa rag isku xilqaamey toosinta iyo Dhaliisha Wadanka Mujaahidiintan Waaweyni dadka ayay indho u yihiin ee hadaad diidaan in la idiin sheego waxa idinka khaldan la idinka yeeli maayo Madexweyne malaha ma diidin in dowladaada loo Sheego wixii ka xun laakiin sikale ayaa wax laguugu sheegay, Madexweynuhu markuu safarka ugu soo baxey Gobolkan ilaa halkii uu ugu dambeeyay ee Baligubadle waxa uu dhiyay Dhagax waa la arki doonaa halka ay ku dambeeyaan iyo in ay noqdaan kuwii aynu ku nacney Dowladii Rayaale ee iyaduna dhigi jirtey, Waxaan hadalkeyga kusoo gunaanadayaa Madexweyne Waxaanu kaa eegayney inaad Waxqabad dhab ah la timaado laakiin lagaama fileyn in aad Odoyaasha Madasha iyo Dadweynaha isku reebto oo aad tidhaado iska ilaaliya Madasha kuwa Madasha wax ka sheegayaan ma aha dadkii loo baahnaa in ay ka hadlaan Masiirka umada”.
Xubno kale oo isugu jira Oday dhaqameedyo iyo wax-garad Madashan taageersan mabda’ ahaan, ayaa eedeymo kala duwan u soo jeediyay hogaanka dalka, waxaanay dalbadeen in la xisaabtan dhab ah loo baahanyahay.
Dhinaca kale Wasiir u Dawlaha Maaliyadda ee xukuumadda Somaliland Cismaan Saxar-diid oo Warbaahinta la hadlay ayaa difaacay Eedeymaha Xukuumadda looga soo jeedinayo Asxaabta Mucaaridka, waxaanu ku dooday in dadka sharciga ka talaabsanaya xadhig iyo talaabo kasta oo ku haboon laga qaadi doono.
Cismaan Saxardiid ayaa qolyaha Mucaaridka ah ee Eedeymaha u soo jeediya xukuumadda ku tilmaamay kuwo jawahareerinaya Umadda, oo aan war xaqiiqo ah bulshada u gudbinayn,
Wasiiru-dawluhu waxa tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah ku tilmaamay dhagax-dhiggii uu madaxweynuhu ku sameeyey Waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, isagoo sheegay inay tahay Hawl uu Qarankani baahi badan u qabay .
Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa ugu horrayn ka hadlay dhaliilaha mucaaradku xukuumadda uu ka tirsan ay u soo jeediyeen, waxana uu xusay isagoo sheegay in Qaarkood aanay ku Munaasib ahayn in Jawaab la siiyo maadaama hadalkoodu uu ka hor imanayo Maslaxada dalka iyo horumarka uu Higsanayo.
Dhinaca kale waxa uu wasiir caddaani ku dooday in xeerka horumarinta waddooyinka ee haatan horyaalla Golaha wakiillada Somaliland ay wasaaradda madaxtooyadu xaq u leedahay inay xeerkaas u gudbiso Golaha Wakiilada si ay Waajibaadkooda distooriga ah uga Gutaan waxaanu xusay in Xeerkani uu faa’iido balaadhan u leeyahay dalka iyo dadkaba isla markaana loo baahan yahay in Mudnaan Gaar ah lagu eego.
Geesta kale, waxa maalmahan warbaahinta laga arkayay kooxo sheegaya inay ka baxeen Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka, kuwaasoo loo arko inay dawladu daba ka riixayso, iyadoo ku xumaynaysa kooxda siyaasiyiinta ah ee ku bahoobay dalladda xukuuamddu ka qaylinayso ee Madasha wada tashiga.
Inkasta oo yooyootanka ugu kululi hada dhex marayo Xukuumadda iyo Madasha wada-tashiga,hadana labada Xisbi Mucaarid laftooda ayaa si joogto ah xukuumadda Eedeymo ugu garaacaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay warbaahinta ka hadleen guddoomiyaha Xisbiga ucid Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku-xigeenka WADDANI Axmed Muumin Seed.
Weerarka iyo weerar celiska siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa u muuqda mid dhinacyo badan salka ku haya, balse ilaa hadda badda kacsani lama saadaalin karo halka ay biyo dhigan doonto, iyadoo si weyn bulshadu isha ugu haysa waxa xigi doona Marxaladan siyaasadeed ee lagu jiro.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com