Hargeysa(GNA)-Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa soo gabagabeeyay Doodda Xeerka horumarinta Waddooyinka, oo maalmahanba socotay.
Shir-guddoonka Golahaasi ayaa Mudaneyaasha ku war-geliyay Maanta oo Axad ah inay mudaneyaal ka badan 51 Xubnood ka qayb-qaateen Doodda xeerkaasi, isla markaana loo gudbi doono qaybinta iyo dib u naaqishaada Aragtiyihii Xildhibaanadu ka soo jeediyeen Xeerkan.
Qaar ka mid ah Mudaneyaashii Maanta dooda ka dhiibtay , ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo horumarinta waddooyinka, balse loo baahanyahay in dib u eegis iyo wax ka bedel lagu sameeyo Cashuuraha Xeerkaasi lagu jideynayo ee lagu soo rogay Xoolaha Nool iyo Gaadiidka.
Fadhigan Golaha oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Mudaneyaasha lagu war-geliyay inay fadhiyada soo socda u soo diyaar garoobaan qaybinta Hadal qoraalkii Doodda laga diyaariyay,si loogu sii gudbo marxaladaha go’aan ka gaadhista.
Xeerkan ayaa dooddiisu socotay mudo gaadhaysa afar maalmood oo xamaasada badani Golaha ka taagnayd waxaana intii ay socotay ka dhashay gacan ka hadal dhex maray xubno ka mid ah Mudaneyaasha.
Geba-gebada dooda Xeerkan Madaxtooyada laga soo curiyay, ayaa u muuqata mid ay Kalsooni badan qabaan xildhibaanada daba ka riixaya Ansixintiisu, waxaanay taasi soo baxda, ka dib markii Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo ka mid ah Xildhibaanada dhinaca Xukuumadda u Jan-jeedhaa mudaneyaasha isu xaadiriyay dooda maanta ku dhex tuur-tuuray hadal nuxurkiisu daaranaa in loo codeeyo Xeerkaasi oo lagu kala calaf qaado.
Xildhibaan Nac-nac oo ka mid ahaa Mudaneyaashii sida weyn uga biyo diidsanaa diidmada aqlabiyada Goluhu kala horyimaadeen Xeerkan, ayaa Maanta muujiyay Kalsooni badan oo uu ka qabo inay Muxaafidku taageero badan u haystaan ansixintiisa .
Kalsoonidan ayaa ka dambeysay dhaqdhaqaaqyo badan oo galaan-gal lagula sameeyay xildhibaano hore uga soo horjeeday Xeerkan oo hada sidii hore ka soo dabcay, kuwaasoo badhitaaraya Kooxda Wakiiladda ee quud-dereynaya in sida loo soo dhigay lagu meel mariyo Xeerkaasi.
Ma cadda waxa ka soo bixi doona qaybinta iyo dib eegista hadal qoraalka mudaneyaasha oo boqolkiiba tirada ugu badani dalbanayeen in wax laga bedelo Cashuuraha lagu xusay ee la saaray gaadiidka iyo xoolaha dibada loo dhoofiyo, balse waxa aan indhaha laga qarsan Karin in dhamaan dhinacyada Cashuurahaasi lagu soo rogay si weyn isha ugu hayaan go’aanka Goluhu ka gaadho Xeerkaasi.
Waxaana jira cabashooyin badan oo Shir-guddoonka Golaha ay u gudbiyeen dhinacayda Bulshada ee Cashuurta waddooyinka lagu horumarinayo lagu soo rogay, kuwaasoo ay ka mid yihiin Gaaddiidleyda iyo Ganacsatada Xoolaha dhoofisaa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com