Mudadii u dembeesay waxa isa soo taraayay hadaladda, ka baxsan saaxadda Siyaasada oo ay ku ladhan-tahay qabiil cay, shakhsi cay iyo Qaran cay hadaladaas oo saxaafadda laysku marinaayay mudooyinkii u dembeeyay iyadoo dhaawacaysa hanaanka wanaagsan uu qarankani ku soo caano maalay.
Cali Gurey oo sheegta in uu yahay Afhayeenka Xisbiga UCID uu gadhwadeenka ka yahay Faysal Cali Waraabe, Cali waxa uu caadeystay in uu marwalba uu taabto Madaxweyne Axmed Silaanyo iyo Qabiilkiisa isaga oo aad wax uga sheega Madaxweynaha iyo reerka uu ka soo jeedo, waliba uu Raaciyo hadalo aan ku haboonayn dhaqankeena suuban, waa khalad in uu reeruhu ay si Badheedha iskucaayaan waana wax abuuri kara colaad sokeeye. Cali Gurey waxa uu marwalba Dhaliilaa Wasiirada Madaxtooyadda Xirsi X. Xasan Cali, Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi iyo Macdanta Xuseen Ducaale, oo ay isku beel-yihiin Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Halka uu Cali Gurey ka amaano Wasiirada Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, oo uu ku tilmaamo dad daacad u ah shaqada ay Qaranka u hayaan.
Waxa isweydiintu tahay Madaxweynuhu haddii uu gartay dadyawga wanaagsan ee Qaranka Daacadda u ah in wasiiro ka dhigo waa Zamzam Cabdi Aadan iyo wasiir Biixi, miyuuna Axmed Siilaanyo ahayn Madaxweyne Gudanaya Waajibaadkii qaran ee dadku u doortayn.
Caliyaw ma waxa saxsanbaad leedahay wasiirada aanu isku Ardaaga nahay oo waxa khaldan reer Burco. Dhaliisha Qaranku ama Xukuumadu haddii lagu saleeyo Beel, waxba lama saxi karo ilaa lawaajahayo xaqiida dhabta ah, Mucaaridku waa in ay sheegaan waxii Dhaliil ah iyakoo ilaalinaya qaranimada iyo isku duubnaanta Dalka.
Xisbiga UCID isagoo dhawaraya rabitaanka shacabka waa in uu waxa uu sheegayo, u sheegaa si Anshaxa Mucaaridada waafaqsan isaga oo iska ilaalinaaya Beel Necbaysi, Shakhsi Nacbeysi iyo waliba Xisbi Nacbaysi.
Waxaan hadalkayga ku soo afmeerayaa UCID ha ixtiraamto Beesha Madaxweynaha oo yaanay isku lifaaqin Xukuumada iyo Shacabka Bari Burco, waa wax kala duwan Beeshuna waa Beel Somaliland ka tirsan Madaxweynuhuna Waa Madaxweynihii Qaranka, oo waliba ay doorteyn 50% shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba.
Wariye N-Awad Dooyo
Hargeysa /Somaliland.