Nairobi(GNA)-Waxa sii socda iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamada amaanka Kenya iyo koox la Wareegtay Xarunta Ganacsiga ee Westgate Mall.
Ciidamada amaanka ayaa wacad ku maray in ay Gudaha u galayaan xarunta Westgate Mall kadib markii dagaal socday ku dhawaad 6 saac oo xidhiidh ah, xal Kooxdaasi lagaga saaro laga gaadhi waayay.
Ku dhawaad 39 qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad boqol iyo konton k kalena waxa ka soo gaadhay dhawacyo, sida ay sheegeen Saraakiisha caafimaadka Kenya oo warbaahinta la hadlay.
Sidoo kale Ciidamada aya wali ku gedaaman Goobta, waxaana gaaray gaadiidka dabaabadaha ah iyo Taangiyada, kuwaasoo ku hareeraysan dhismaha xarunta ganacsi.
Afhayeenka Ururka Al-shabaab sheikh Cali Dheere, ayaa sheegay inay xoogaga Ururka Al-shabaab ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday Suuqa Ganacsi ee Westgate Mall.
Sheikh Cali dheere, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid Aar-goosi ah oo ay ku weerareen danaha reer Galbeedka iyo Kenya,si ay ugaga aar-gutaan dhibaatooyinka ay ku hayaan somaliya.
“Ciddii nagu xadgudubta in aan ka aarsanno waa waajib diini ah maadaama nala dulmiyay oo nala gardareystay waan ka Jawaabnay duulaankii Kehya”ayuu yidhi Sheekh Cali dheere.
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 16,11,1434 katiibo katirsan ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay weerar ku qaadeen xarun muhiim u ah cadawga Kenya oo kutaal bartanka magaalada Nairobi allaah fadligiis mujaahidiintu way qabsadeen xarunta weyna heystaan,dhowr mar oo ay ciidanka Kenya soo weerareena waa iska difaaceen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay sheekh Cali dheere.
Ninka u hadlay Al-shabaab waxa uu intaasi ku daray Baaq ka dhan ah Dawlada Kenya.
”Shacabka Kenya ee dowladooda kirishtanka ah nagusoo duushay waxaan fariin ugu diraynaa hadaad layaabantihiin waddooyinka xiran ee magaalada Nairobi,hadaad layaabantihiin waxa dhacay,hadaad layaabantihiin ganacsigiina oo burburaya,hadaad layaabantihiin wiilashiina oo dhiigaya anaga horay ayaad sidaas noo gasheen,inta wiilashiina gumeysiga nagu hayaan Nairobi Nabad ma ahaan doonto waxaad kala doorataan labo arrin in aad naga baxdaan ama in aad joogto u ahaataan weeraradeena,waxaa la arki doonaa idinkoo nabad darro iyo dhaqaale darro idinku dhacday oo dalkeena nooga baxaya”ayuu yidhi.
Geesta kale, Madaxweynaha Kenya Uhuuri kenyaatti, ayaa isaguna goor dhaweyd si toos ah telefishanka Dawlada uga hadlay, waxaanu Jawaab adag ka bixiyay Weerarkan oo uu ku eedeeyay Ururka Al-shabaab.
Madaxweyne Uhuru ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkaasi, waxaanu ku tilmaamay mid Axmaqnimo ah oo lagu soo qaaday Waddankiisa, isagoo shacbiga ugu baaqay inay isdejiyaan.
Dadka weerarkan ku dhintay waxa ka jira ajaanib u kala dhashay wadamada Ingiriiska, Maraykanka iyo Israa’iil, kuwaasoo ku jiray xarunta la weeraray.
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: editor@gobanimonews.com