“ANIGU GEERI AYAAN KA XIGAA CASHUURTAASI MAALINTA LA I WAYDIIYO ANIGA OO WATA BAABUURKAYGA, FADLAN MARKA AAN DABKA ISKU QABTO INTA AAD II MUDAHARAADI LAHAYD MAANTA OO AAN NOOLAHAY AYNU U HIILINO KUWA AY SAMAYNAYSO, MUWAADIN WAA INAAD KA DHIIDHIDA XEERKA TAKAALIFTA WADO MARISTA LAGU KORDHIYAY, HADDII AAD DIIDI WAYDO WAX KA XUN AYAA LAGUGU DHAQAN GELIN, VOTE-KA XILDHIBAANADANA WAA LA IIBSAN INDHAHAAGA OO SHAN AH AYAAD ARAGTAY XILDHIBAANADII DIIDANAA OO LACAG LAGU BEDELAY MABDA’OODI !!!,”Sidaasi waxa Qormo uu warbaahinta u kala diray ku bilaabay Cabdiraxmaan Jiciir oo ah Mawaadin u dhashay Somaliland.
Waxa aan ahay muwaadin Hay’ad u shaqeeya oo wata Baabuur waxa aan awood u leeyahay in aan iska bixiyo marka loo eego musharka I soo gala bishii $1,300, balse waxa aan diidanahay oo qoraalkan igu kelifay oo aan si weyn aan uga dhiidhiyay saamaynta ay ku yeelanayso danyarta dhibaatada dhaqaale la daala-dhacaysa, waxana u qaadan waa igu noqotay markii aan eegay arrimahan hoos ku qoran aad ayaan uga xumaaday;
1) Markii aan arkay; saamaynta ay ku yeelanayso ilaa islaanta suuqa fadhida maadama aynu ogsoonahay transportation saamaynta uu ku keeno korodhka maciishadda oo basku ku darayo kii raacayay, gaadidka waaweyni Joonyadii saarayaan, waxaan aad ugu qoslay aqoon gaabnida Wasiirkii hore ee Cadalada oo cadadkii 25 Sept., 2013 ee Jamahuuriya ku qoray qofka baabuurka raaxada wataa miyaanu $20 awoodaynin waa maan gaab aan eegaynin saamaynta ay arrintani ku yeelanayso dhaqaalaha dalka iyo islaanta suuqa fadhida ee nolosha la daaladhacaysa, keliyi ujeedada iiga soo baxday hadalkiisa waa nacamlaynta uu ku doonayo in dib loogu magacaabo Wasiir waa wax laga xishoodo in uu sidaasi u hadlo meel ayaanay taariikhda ugu qornaanaysaa, miyaanu ogayn ka helaya in 90% ay ka badan yihiin kuwo aan kuba qadayn ama labo litter oo shidaal ah aad arkayso iyago oo raadinaya.
2) Markii aan Television-ka ka daawaday; Mudanayaashii aynu dooranay ee aynu ku aaminay maasiirkeena, gaar ahaan kuwii laga duubay cajladaha codkoooda ku muujiyay in ay diidan yihiin oo la laaluuushay oo rayigoodi si fudud loo bedelay, kuwaasi ayaynu masiirkeeni ku aaminay ka waran miyaanay beritona waxa ka daran inagu ansaxinayn iyagoo eegaya danahooda gaarka ah, waxa aan War-baahinta kala duwan u sheegaya in ay ka gaabiyeen doorkoodii hab-qoraalnimo (marka laga reebo Wargeysaka Geeska oo aan ku arkay 2 qof oo ay magacaabeen magacaabay), iyadoo aan meesha ka arki waayay in aad bulshada u soo bandhigtaan magacyadda xil-dhibaanadii badnaa ee TV-iga laga daawaday ee doodooda ku muujiya diidamada ee hadana gacanta taagay si ay bulshaddu uga taxadirto mustaqbalka una noqdaan tuke baal-cad oo masiinkii umada siistay duwan yar, si ay taariikhdooda ugu suntanaato fadlan doorkiina qaata war-baahintaa madaxa-banaaneey oo soo qora magacaydooda iyo nin kasta doododiisu waxa ay ahayd waxa aad ka helaysaan hadal qoraalkii (Minutes) laga qoray ama TV duubayay haddii kale aniga idiin doono si aan ku soo heloba maalkaygana u quudhaya.
3) Markii aan si cilmiyaaysan u darsay; cashuurihii la kordhiyay intii u dhaxaysay sannadihii laga soo bilaabo markii talada uu qabtay Xisbiga Kulmiye (Madaxweyne Siilanyo) 26 June, 2010 illaa 2013, bal u fiirso qaabka korodhsiimada waalida ahi u socotay; Sannadkii 2010 waxa ay ugu yimaadeen marka aan eego lix biloodka baabuurkayga 78,424/SL.SH , Sannadkii 2011 oo ay kordhiyeen waxa ay ka dhigeen 138,912/sl.sh kaasi oo ah korodh dhan 60,488/sl.sh ama 43% una dhiganta $10 lixdii bilooda ama $20 Sannadkii (waa wakhtigii ina Xaashi Cilmi korodhsiimdaasi waanan u garaabaya korodhsiimadaasi madaama ciidamada iyo shaqaalah loo kordhiyay musharka). Sannadkii 2012 oo ina Xashi wasiir ka ahaa kuna wareejiyay Cabdicasiis lama kordhin. Sannadkii 2013 oo wasiir Samaale soo ban-dhigay waxa uu ka dhigeen 227,835/sl.sh (207,835/=Sl.sh + 20,000/=sl.sh oo ah stamp duties) kaasi oo ah korodh dhan 88,923/sl.sh ama 38% una dhiganta $14 lixdii bilood ama $28.
Hadaba is waydiintu maxay tahay inta la kordhinayo tan cusub ma la is waydiiyay $28 saannadkii 2013 sababta lacagtaasi wadooyinka loogu samayn waayay, caqliga saliimka ahi uma dul qaadanayo korodhsiimo aan sabab lahayn oo saamaynaysa bulshada danyarta ah. Bal u fiirso tusaalahan; Manager (CEO) ayaad shirkad ka tahay waxa aad doonaysa maal-gelin cusub in aad ka hesho Board-ka iyo saamilayda shirkaddda leh si aad faa’ido u samayso, waxa aad u soo ban-dhigaysaa qorshahaaga sababta aad u kordhinayso iyo faa’idada soo kordhaysa ee la helayo lacagta aad u baahan tahay si ay kugu ansaxiyaan qorshahaaga. Aqoon la’aanta iyo indho la’aanta Golaheena Wakiilada haysata marka la kordhinayo Miisaaniyada waxa ay xaq ugu leeyihiin in ay dawladdu soo raaciso plan lagula xisaabtamo oo xusaya waxa lacagtaasi la kordhinayo lagu qabanay, keliya qudbad sannadeedka Madaxweynaha oo keliya ayay dhegaystaan oo aan xanbaarsanayn micno badan. Sidoo kale lacagtan korodhsiimada ah ee uu soo ban-dhigay wasiirka firfircoon ee Madaxtooyada (1996 from Geel-jire to Wasiir) oo leh dano siyaasadeed oo fog oo ah damaca kursiga waxa ay ahayd in ay wadiiyaan qorashaha lacagtan uu ku fulinayo soona samaysto qorshe (plan) malo-awaal ah oo sheegaya inta waddo ee uu doonayo in uu dhiso, lacagta ku baxaysa inta ay tahay iyo inta sannadood ee ay soconayso si loogu xisaabtamo. Aqoonda Xildhibaanada aynu dooranay marka laga reebo 8 aan u codayn iyo Guddomiyaha oo aan codayn waa taasi indho la’aanta wax walba ku ansaxinaysa duuduubka ee danaha gaarka ah eeganaya, waxaasina waxa ay fuulayaan oo dhibaato ku yihiin dhaqaalaha danyarta la daala-dhacaysa nolosha waayo qofka baabuurka wataa kirada uun buu kordhinayaa, ku darsoo Wasiiradda iyo Xildhibaanada kordhiyay u fiirso baabuurtooda Wado maris la’aan ayay ku wataan badankoodu.
4) Marka indhahayga saaray; Sida loo cabudhiyay dadkii doonayay in ay mudaharaadaan ee loo dhigay xafiisyaddii Ururada Mucaridka iyo Barlamaankiiba Ciiidamo badan oo xoog ku muquuniyay afkaartoodii ay xaqa u lahaayeen dadku in ay soo ban-dhigaan, taasi oo aan u arko in ay ka daran tahay cabudhintii aynu ka dagaalanay ee Siyaad Bare, beritona waxa ka daran la arki doono haddii aan laga hor iman dhaqanka noocaasi ah.
5) Marka xaqiiqsaday; taab-gaabnida mucaaridkan afkuun ka nool ee TV-iga uun ka hadlaya, maxa u diiday kuwa hadlaya in ay soo hor-kacaan dadka oo ay shafka xabada u dhigaan si dadku ugu dhiiradaan mudaharaadka, foolxumo ayayna ku tahay in ay ka baryayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa uu xaqa muwaadinku u leeyahay, mar hadii loo diiday wixii sharcigu u jiideyay (Mudaharad Salmi ah in ay qabsadaan).
6) Waxa aynu ogayn; korodhsiimaddii Diyaaradaha lagu fuliyay ee tiijaabada inagu ahayd baarlamaanku sida duudubka ah ee indho la’aanta ah ugu ansaxiyay Wasiirka Duulista in qofkasta oo dhoofaya ama soo degaya laga qaado $10 oo maan-gabnimadiisa uu ku sheegay qalab casri ah oo la inagu caawiyay in lagu repair-garaynayo ama lagu illalinayo, bal u fiirso muu keenin qorshe uu ku soo ban-dhigayo waxa lagu qabanayo lacag dhan qiyaas ahaan $2.3 Million sannadkii (bal u fiirso tusaalahan; 3 diyaaraddood Daalo, Africa, Juba iyo diyaaradaha UN-ta iyo kuwa kale oo aan 1 diyaarad ka soo qaaday waa; 4 diyaaraddood x 400 qof celcelis ahaan markiiba keena ama qaada marka la isu geeyo X 3 jeer oo ay duusho todobaadkii X 4 goor bishii x 12 bilood sannadkii = 230,400 oo qof x $10 cashuur ah = $2,304,000 (labo milyan iyo saddex boqol iyo shan kun oo dollar). Ma is waydiisay waxa loogu ansaxiyay qaar kale oo badanina way soo socdaana haddii aan laga hor-tagin
7) Markan yiqiinsaday; sida ka fiirso la’aanta ah ee madaxweynuhu deg dega ugu saxeexay ee aanu cidna u joojinaynin, cidna aannu dan ka gelaynin, oo ah ‘’la isu-joojin-maayo, waar ma guri uu leeyahayba, mise dadkayga dhoohan’’.
8) Markii aan malo-awaalay; in ay jiraan qorshayaal kale oo lacag lagu ururin karo oo lagu baajin karo qorshaha saamaynta ku yeelanaya danyarta (fadlan eeg talabixinta ugu danabaysa oo kuu faahfaahinaysa sida loo abuuri karo dhakhi kale oo aan samayn ku yeelanayn dan yarta, keliya dadka lacagta haysta ee baabuurta raaxada wata ee awoodi kara ku koobnaanaysa)
Arrimahaasi kor ku xusan markii aan arkay waxa aan kuu cadaynayaa in aan Geeri ka xigo maalinta la joojiyo Baabuurkayga ee la I waydiiyo cashuurtaasi, iyadoo aan balan qaadayo in aan Dab iyo Petrol isku qaban doono, si aan u badbaadiyo danyarta nolol xumada la daaladhacaysa ee aanay jirin cid ka naxaysa, dayaceena kuwii ay xilka u doorteen (Golaha Wakiilada). Sidaasi awgeed, haddii aad tahay Muwaadin dhab ah intii aad marka aan dhinto is ciilkaanbiyi lahayd oo aad ii mudaharaadi lahayd waxa aan ku soo jeedinayaa in aad face-book magaciisu yahay; Muwaadin Somaliland oo maqaalkan aan geliyay aad taageerto, fulisidna qodobadan;
1. Saxaafadda kala duwaan ee aan qoraalkan u diray waxa aan ka codsanayaa in ay qoraalkan daabacan oo weliba geliyaan head Letter-ka Joornaalka, Website-kooda iyo Facebook-goodaba si loo abaabulo mudaharaad la mid ah kii ka dhacay Taxriir square ee Masar.
2. In dhammaan dadka isticmaala Facebook ay ila abaabulaan mudaharaadkan gelyaana bartooda facebook si loo arko cududeena, maadama aad ogtihiin in cudud ciidan lagu hor-joogsaday Mudaharaadkii waa in ay ogaadan in aanay inaga xeelad badin kari makastan meesha isugu timid ee jeebka buuxsanaysa, waa in aynu cududeena ku tusnaa Face-book oo aynu ka dhabaynaa fulinta hadafkeena.
3. In Xisbiyada Mucaaridka ahi ay shir jaraa’id qabtaan ay ku abaabulayaan kuna taageerayan fikirka la isku abaabulayo face-book magaciisu yahay Muwaadin Somaliland, isla markaana geliyan barta ay ku leeyihiin Face-book xisbiyada Mucaaridku.
4. In dhammaan muwaadintu ay ka soo kalahaan ama habeenimadaba u sii hoydaan Khayriyadda oo ay ka soo banana-baxaan xaafad kasta oo Hargeysa ka mid ah oo balanteenu noqoto maalinta Salaasa 1 Octobar, 2013 in ay isugu yimaadaan Khayriyadda oo ah bar kulanka mudaharaadka (u fiirso boolisku ma daad ayay celin karaan ka yimid xaafad kasta oo Hargeysa ah), halkaasi oo aynu fadhiyi doono illaa inta dawladdu ka noqonayso, wax socod ahna ma samaynayno si aanay u dhicin in tuugtu inagu dhex dhuumato oo ay wax boobto ama rabshado dhacaan.
5. In Gobolada iyo degmooyinka iyaguna khayriyadahooda isugu yimaadaan, kuna muujiyaan dareenkooda fadhiyaana oo aan loo kala tegin inta Xukuumaddu ka noqonayso go’aankaasi.
6. Mudaharaadku si uu u noqdo mid awood leh waa in ay hormud ka noqdaan Hogaamiyayaasha iyo xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiyada mucaaridka ah iyo 8 xildhibaan ee diiday ansaxinta kuwaasi oo baal-dahab ah kaga jira sumcadoodana kala han weyn in shilimo yar dhaafsaddan, waana in aanay iska joogin guryahooda ee ay hogaamiyaan mudaharaad salmi ah oo bulshada ka qayb qaadanayso lamana ogola in la dhaafo khayriyadaha si looga taxadiro meherado la boobo, Khayriyaddaha ayaynu fadhiisanaynaa inta dawladdu ka noqonayso go’aankaasi.
7. In Iskaashatooyinka Gaadiidlaydu qayb ka qaatan mudaharaadkan sida; Basaska, Taxi-sida, Baabuurta waaweyn, isla markaana ay dhigaan Baabuurtooda labda haad ee Wadooyinka mihiimka si loo xanibo isu-socodka oo loo dareemo culayska ay leedahay arrintani
XALKU (Solution) Muxuu yahay?; marka aad dhaliil sheegto waxa haboon oo ay ku qurux badann tahay in aad raacisid oo aad xalka (solution) tusto cida aad dhaliilayso sidaasi ayay ku quman tahay. Sidaasi darteed waxa aan soo jeedinayaa in dawladdu si deg deg ah uga noqoto xeerkan uu madaxweynuhu degdega u saxeexay, isla markaana dhinac kale uga wareegto oo wadooyinka ay sheegayso ku dhamaystirto qaabkan;
1. Lacagtii la kordhiyay 2013 ee dhamayd $28 (calaa baabuur marka aan kayga eego kuwo ka qaalisanina ay jiraan) oo Xukumadu aanay golaha Wakiiladda u soo ban-dhigin 2013 waxa ay ku qabanayso iyo sababta ay u kordhinayso kuna magacaaban Wado maris, taasi ayaa ku haboon in ay wadooyinka ay sheegayso waxa kaga qabato madaama ay wado-maris tahay, waxaanay ku haboonayd oo ay Baarlamaanku Il-duufeen in ay kala xisaabtamo meesha ay geysay lacagtaasi hore ee loo ansaxiyay inta aanay mid kale duuduub ku ansixin.
2. In Xukuumada iyo Dawladda hoose iska kaashadaan qorshe ah in la soo rogo cashuur tan ka fudud oo aan bulshada saamayn ku yeelanayn lana yidhaaho; ~Parking Taxation~ oo laga heli karo $30 Million (soddon million oo dollar), taasi oo ah mid laga qaadayo dadka hantida haysta ee baabuurta wata ee ka adeeganaya Super Markets waaweyn 500/sl.sh qofkii wax iibsanaya waxba yeeli mayso, dadka danyarta ahna ma saamaynayso, waxa aan qiyaasay celcelis ahaan 1,000 Meheraddood oo dalka oo dhan ay istaagaan 1,000 baabuur meheradiiba lacagta ka soo gelaysaa waa $30 Milliion, tusaale ahaan Meherada Maka Al-mukarama oo sharaabka laga cabo inta baabuur ee istaagi karta keligeed 1,000 baabuur x 500/sl.sh x 30 cisho x 12 Bilood x 1,000 Meheradood dalka oo dhan = 180,000,0000,000/sl.sh una dhiganta rate-ka 6,000 USDOLLAR $30,000,0000 (Soddon million oo dollar), caqliga saliimka ahi taasi ayuu ina siinayaa in ay tan dhaanto saamaynaysa maceeshada guud ahaan iyo islaanta suuqa fadhiisata ee la daala-dhacaysa korinta ubadka qaar agoonta yihiin.
3. In Wadada Ceeri-gaabo oo ay maqaar saar ka dhiganayso loo furo A/C qaadhaan loogu ururinayo oo ay maamulaan, xubno ka kala socda; Xukuumada, Xisbiyada Mucaaridka, Culimada waaweyn, Aqoonyahanka iyo Ganacsatadu oo cid kasta oo qaadhan ka qayb qaadanaysa ku soo shubto diyaar ayaan u ahay in bil kasta aan bixiyo $10 inta ay ka dhamaanayso wadada Ceerigaabo.
Gebo-gabo; Muwaadinka dhabta ah fadlan gal facebook ah; Muwaadin Somaliland oo sii faafi qoraalkan oo ah abaabulka mudaharaadka. Waxa aad mooda in ay iga xanibeen oo facebook-aasi aanay ciddi geli karinoo aanay request samayn karin fadlan nin kastoowba kaaga ku baahi adigoo mahadsan si aynu u helnoo taageero buuxda inta kao horysa maalinta la isu soo baxayo
Qore Abdiraxmaan Hassan Jiciir ————
muwaadin.somaliland@outlook.com
Hargeisa, Somaliland.