Monday, September 23, 2013

Agabar: maxaa sababay dib dhaca Maanta ku yimi Shir Beeleedka Hoodaalle?


Hargeysa(GNA)-Shirka Hoodaale ee Beelaha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa oo furitaankiisa la sugayay  maanta oo ay taariikhdu tahay 22 Bisha September, sida ay warbaahinta ka sheegeen Guddida manjaraha u haysaa, ayaa dib u dhac ku yimi, kaasoo aan ilaa hada sababtiisa la cadeyn.




Guddida qaban-qaabada Shirkan, ayaa todobaadkii hore Warbaahinta ka iclaamiyay in dhamaan Ergooyinka Maanta ka soo xaadiraan Madasha Shirka oo ah deegaanka Agabar, iyadoo qaybo ka mid ah Ergooyinku gaadhay goobta shirka loo asteeyay.




Shirkan oo qabanqaabadiisu socotay mudo dhawr bilood ah, ayaa waxa ragaadiyay Khilaaf u dhexeeyay Madaxdhaqameedka Beelaha qabsanaya, kuwaasoo khilaafkoodu ku sal lahaa arrimo kala duwan oo ubucdoodu ku soo uruuraysay, gacan galin ay ku hayeen siyaasiyiinta beeshu.




Khilaafyadaasi xalintooda ka dib, waxa qaban-qaabada shirka loo saaray Guddi madaxbanaan oo Beesha shirkeeda ka midho dhaliya, waana guddida iclaamkii ugu dambeeyay samaysay, taasoo aan ilaa hada Jawaab ka bixin dib u dhaca maanta ku yimi furitaankii shirka.




Arrintan ayaa wali ku mudan dhamaan qaybaha Bulshada Beelahaasi ka soo jeedda oo filashada maanta ku hungoobay,kana war sugaya sababta keentay Guddida amuurtaasi u xilsaaran oo aan ilaa hadal ka soo bixin sababta keentay dib dhaca.




Si kastaba ha ahaatee Guddidan ayaa looga fadhiyaa inay si dhakhso ah uga jawaabaan dib u dhaca shirka, isla markaana u sameeyaan Iclaam aan waxba ka soo noqon oo ku saabsan Goorta shirku furmayo, iyadoo dib u dhacan hadal la’aantoodu ay kicin karto Khilaafyo kale oo hor leh, taasoo meesha ka saari karta Kalsoonida Bulshada Beeshaasi u hayso hawsha ay gacanta ku hayaan.




Idiris Maxamed Xasan




Gobanimonews




Hargeysa Office




Iidiris2011@hotmail.com