Wednesday, September 4, 2013

Il-qeyte:Waxaan Xooga saareynaa sidii Xayiraada looga qaadi lahaa Ganacsade Axmed-nuur Jimacaale”.


Muqdisho(GNA)-Ganacsade Cabdi Rashiid Ilqeyte ayaa  Maanta loo doortay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir.




Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho oo  ka qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ganacsato iyo Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa lagu doortay Xilkaasi Ganacsade Il-qeyte oo ka mid ah Ganacsatada ugu Caansan dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho




 Mr Cabdi Rashiid Ilqeyte ayaa ku guuleystay in uu noqdo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Gobolka Banaadir kadib tartan uu la galay Haweeney sida la sheegay kula loolameysay Booskaasi.




Ganacsade Cabdi Rashiid Shire Ilqeyte oo doorashada kadib la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dadaal u galayo sidii loo gacan qaban lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed, loona horumarin lahaa Ganacsiga.




“waxaan xoogga saareynaa in xayiraadda laga qaado Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale “” ayuu yidhi Guddoomiye Ilqeyte.




Rugta Ganacsiga somaliya ayaa bishii la soo dhaafay dib loo furay  muddo dheer ka dib, waxaana doorashada Maamulka cusub ee loo sameeyay ku soo beegmayaa xili dalka dib u dhis balaadhani ka socdo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com