Monday, September 23, 2013

Maxkamadda Dambiyada Dagaalka oo William Ruto u Ogolaatay inuu Dalkiisa ku soo noqdo si uga qayb-qaato Samato-bixinta


Hague(GNA)-Maxkamada dambiyada dagaalka ICC ee magaalada Hague ayaa u ogolaatay Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto inuu dib ugu laabto dalkiisa, si uu ula qeybsado dadkiisa muragada weerarkii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga ee Westgate.





Madaxweyne kuxigeenka ayaa horay uga dalbaday Maxkamada inay hakiso Maxkamadeyntiisa, si uu dalkiisa ugu laabto, kana qeyb qaato howl galada samata bixinta iyo la qeybsashada muragada dadkiisa ee weerarkii Westgate Mall.




Qareenka u doodayay Mr Ruto ayaa sheegay in waajib ka saaran yahay inuu aado Nairobi, si uu xaadir ugu ahaado howl galka ka dhanka ah weerarka ka dhacay Xarunta Westgate Mal, halkaasoo maalintii 3aad ay ku jiraan dabley hubeysan.




Maxkamada ICC ayaa muddo todobaad dib u dhigtay dhageysiga dacwada loo heysto William Ruto ee dhinaca bani'aadanimada rabshadihii ka dhashay doorashadii lagu murmay ee Kenya ka dhacday sanadkii 2007.




William Ruto ayaa la filayaa in goor dhow ka soo dego magaalada Nairobi, kadib markii Maxkamada ICC ay hakad gelisay dacwadii uga socotay magaalada The Hague ee dalka Netherland.




Dabley hubeysan ayaa maalintii 3aad ku sugan Xarunta Westgate, halkaasoo dad ay maxaabiis ahaan ugu heystaan, iyadoo ciidamada Kenya ay la hardamayaan dableydaas sidii ay uga bad baadin lahaayeen dadka ay heystaan.