Borama{GNA} Deegaanka degmada boon ee gobalka awdal ayaa laga soo sheegayaa cudurka shuban biyood ka dilaacay dadna soo ritay sidaan waxa u xaqiijiyay shabaka gobanim news gudoomiye ku xigeenka degmada boon iyo madax caafimaad asaasiga e gobalka awdal maxamed cumar x.yaabe
madaxa caafimaadka asaasiga ee gobalka awdal maxamed cumar yaabe ayaa waxa uu yidhi{waxa jira dhawr kiis oo laga helay degmada boon sidaasna waxa ii xaqiijiyay madaxa caafimaadka deegaankaasi waxa aan hada halkaasi u dirnay kooxo dhinaca caafimaadka oo gurmad ah isla markaan wata daawooyin lagu xakamaynayo faafida cudukaasi arinta gacanta ayaan ku haynaawaxa aan ka diraynaa qaylo dhaan ku aadan sidii wax lga qaban lahaa xaalada caafimaad ee kasoo cusboonaatay deegaanka boon}
sidoo kale gudomiye ku xigenka demada boon maxamed barkhad muuse ayaa isaguna sheegay in meelaha ilaa shalay lagu arkayay shuban biyoodkan ay yihiin deegaanka xalimaale iyo agagaarkiisa waxa uu hada soo ritay ilaa 10qof oo aanu keenay mchka degmada boon waxa nagu yar dawada xaaladuna waa ay kasii daraysaaoo waxaan ka cabsi qabnaa in uu cudurkani sii faafo
si kastaba ha ahaate masuuliyiintani ma ay sheegin waxa sababay inuu cudurkani dilaacobalse ilo kale oo deegaanka oo aan la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ay roobab ka da,een deegaanadaasi dadkuna ay cabeen biyiii wasakhda ahaataasina ay tahay mida kaliya ee dhalin karta cudurkan shuban biyodka balse waxa ay ka dayriyen gurmadka gaabiska ah ee ay samaynayaan bahda caafimaadka iyo wacyi galin la aan ka jirta deegaankaasi oo ku aadan sidii loo xakamayn lahaa xanuunkan isla markaana dadka looga wacyi galin lahaa cabitaanka biyaha roobka ee wasakhaysan
Wariye Mustafe caraale
Caraale_143@hotmail.com
Borama office