Monday, September 23, 2013

Somaliland oo Cambaareysay Weerarka Westgate, Tacsina u dirtay dadka ku dhintay


Hargaysa (GNA):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso weerarkii Sabtidii ay kooxda hubaysan oo argagixiso ahi ku qaaday xarun ganacsi oo la yidhaahdo Weste Gate oo ku taalla magaaladda Nayroobi ee dalka Kiiniya. Weerarkaasi oo ay ku dhinteen ilaa dhawr iyo lixdan qof boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.




Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis oo u waramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da, isaga oo jooga Hargeysa, ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan u arkaan dhacdadaasi mid aad u fool xun.




“Dhacdadaasi waxaanu u aragnaa in ay tahay wax aad u fool xun oo dhibaato aad u weyn gaysatay, aad iyo aadna aanu u canbaaraynayno, dalka Kiiniya waa dal aanu jaarnahay, waana dal aanu walaalo nahay oo cilaaqaad aanu leenahay, falkaasi ka dhacayna waa mid aanu ka xunahay, waxaananu leenahay ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasina waanu ka tacsiyadaynaynaa,”ayuu yidhi Wasiirka khaarajigu.




Maxamed Biixi Yoonis waxa kale oo uu sheegay in Somaliland shacab iyo xukuumadba iyaga oo isku duuban ay mar kasta ka foojigan yihiin in weeraro noocaasi ahi ay ka dhacaan dalka. “Nabadgeliyadu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ay Somaliland ku caano maashay aad iyo aad ayaanu uga foojianahay goor kasta haddii aanu nahay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland in weeraro noocaas ahi ay ka dhacaan dalkayaga aad iyo aad ayaanu ugu foojiganahay in aanu ilaashano nabadgalyada, kuna dadaalo in aan dhibaatada Kiiniya ka dhacday mid la mid ahi ka dhicin dalkayaga. Waana in aanay dadkaasi dhibaatada noocaas ah gaystay ee falkaasi ku kacay in aanu meel uga soo wada jeedsano, xukuumad, shacab, mid yar iyo mid weyn umad ahaan aanu meel uga soo wadajeedsano, oo aanu la shaqayno ciidamadda nabad sugida, booliis iyo milateriba, oo aan wargelino marka aynu wax shaki ah aragno, markaa aad iyo aad ayaanu uga taxadiraynaa meelna uga soo jeedsanaynaa” ayuu yidhi wasiirku.




Wasiirka arimaha dibada ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay Somaliland gacan ka siiyaan taageeradda ay uga baahan yihiin guud ahaan, gaar ahaana dhinaca ammaanka, si ay beesha caalamka meel ugala soo jeedsato ugalana qayb qaato la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda.




Waxaanu wasiirku tilmaamay in ay Somaliland dhinaceeda diyaar u tahay in ay beesha caalamka doorkeeda iyo masuuliyadda ka saran kala qayb qaadato la dagaalanka argagixisadda. Waxaanu yidhi “Beesha caalamka waxaan leeyahay waa in aad ogaataan in Somaliland tahay meel nabadi ka jirto, dad maanta diyaar u ah in ay adduunka guud ahaan arrin iyo ammaanba ku biiriso marka ay noqoto xagga ammaanka iyo xag kaleba, meel kastaba waanu ka sheegnay oo waxa aanu nidhi Somaliland waxa ay diyaa ru tahay in ay beesha caalamka kala qaadato doorkeeda iyo masuliyadda ka saaran in ay kala qayb gasho la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda iyo waxyaabaha la midka ah, markaa waxaanu leenahay waxaanu nahay ummmad dadaashay ee wixii aanu taageero beesha caalamka uga baahanahay xagga ammaanka iyo xag kaleba in ay gacan nagu siiyaan, anaga oo jecel in aanu caalamka meel ugala soo jeedsano la dagaalanka argagixisada”.