Saturday, September 21, 2013

Xildhibaan Qabille:Haddii Madaxweynuhu yeedhmadda Wakiillada yeeli Waayo waxaanu soo Dhigi Mooshin xilka lagaga Xayuubinayno”.


Hargeysa, (GNA) –Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, ayaa si cad u faah-faahiyay awooda uu golaha wakiiladu u leeyahay In madaxweyne Axmed Siilaanyo ay kala xisaabtamaan xil gudashadiisa.




Xil. Maxamed Faarax Qabile oo maanta ka hadlayey shir jaraa’id oo masuuliyiinta xisbiga Ucid ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa. Xildhibaan waxa uu sheegay inaan la hor istaagi karin mooshinka ay qaar ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladu ku doonayaan in madaxweynaha la hor keeno golaha, ugu horayna isaga oo ka hadlaya awoodaha golaha wakiilada waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, 




“waxaan muujinaya awooda golaha wakiilada oo aad moodo inay ayaamahan dadkii qaarkii muran galinayaan xakamaynta xukuumada iyo doorka golaha wakiiladu ku leeyihiin, qodobka 39-aad ee dastuurka qaranka Somaliland waxa uu cadanaynaa awooda golaha wakiilada, golaha wakiiladuna mar waxa weeye golihii sharci dajinta kowaad ee dalka, marna waa dadkii wakiilka ka ahaa bulshada ku dhaqan Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sidaas darteed mooshin ay dhawaan soo jeediyeen mudanayaal ka tirsan golaha wakiiladu oo ay cuskanayaan qodobada 39-aad 53 faqradihiisa 1,2,6,7,4  waxa aanu rajaynayaa in goluhu uu si cad ugu guulaysto in madaxweynaha la hor keeno golaha si wax looga waydiiyo gudashada xilkiisa”.




Xil. Qabile oo ka hadlaya talaabada ay qaadi doonaan haddii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo hor iman waayo golaha wakiilada waxaanu uu yidhi,




“Haddii golaha wakiiladu u yeedhi kari waayo madaxweynaha oo uu taa yeeli waayo in gudashada xilkiisa in wax laga waydiiyo waxaanu uga gudbi doonaa 27 xildhibaan oo dhiga mooshin xilka lagaga qaadayo madaxweyne Axmed Siilaanyo sida uu dhigayo distoorka qaranku”. Ayuu yidhi Xil. Qabile. Waxaanu intaasi kudarey isaga oo hadalkiisa sii wata, “golaha wakiilada in dhawayd xan iyo dhado ayuu huwanaa laakiin waxaanu isku dhaarsanay inaanu ka dhiidhino dhag xumada iyo tacadiga lagu samaynayo iyo  karaamada la quudhsaday ee shacabka Somaliland ee lahayd qiimaha iyo karaamada uu distoorka Somaliland siiyey, haddii uu nin sida uu doonayo ugu talabsanayo lama dhigeen 97%, sidaas darteed mooshinka ay xildhibaanada golaha wakiiladu keeneen waa xaq distoori ah”.




Sidoo kale xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sharaxay qodobada dastuuriga ah ee golaha wakiilada awooda u siinaya inuu xakameeyo xukuumada isla markaana la hor keeno heshiisyada ay xukuumada gasho waxaanu yidhi,




 “qodobka 53-aad ee golaha wakiilada Somaliland waa mid  golaha wakiilada u khaas yeelaya inuu xakameeyo xukuumada, arimaha maaliyada iyo arimaha heshiisyada shisheeye ee ay xukuumadu gasho iyo wax kasta oo maaliyad la xidhiidha, waxaynu ognahay in madaxweynaha Somaliland inaanu golaha hor keenin boqol heshiis oo uu galay, ceebaha waynu og-nahay ka soo baxay Genel Energy iyo heshiisyada caalamiga ah ee uu galay sida uu sheegayo qodobkaasina waa shaqada golaha wakiilada waana waxyaabaha la doonayo in lagu hor keeno golaha oo uu dhigo heshiisyadaa si loo eego waxay heshiisyadani manaafacaad u leeyihiin qaranka Somaliland”.




Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, waxa kaloo uu tilmamay in golaha wakiilada awood u leeyihiin  miisaaniyada qaranka inay diidaan ama laalaan, waxaanu xusay in  golaha wakiilada lahorkeenay miisaaniyad labaad oo uu wasiir ka mid ah wasiirada xukuumadu soo dhigay, waxaanu carabka ku balldhiyay in madaxtooyadu oo hay’addi ugu saraysay qaranka isu badashay hay’add dakhli ururin, sharciyan ay tahay cida lagala tashanayo ee leh awoodaha cashuuraha lagu kordhin karo yihiin wasaaradaha maaliyada, hawlaha guud  iyo ganacsiga.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com