Saturday, September 21, 2013

SL: Gaadiidleyda oo ka Dhaartay inay Bixiyaan Cashuurta Madaxtooyadu ku soo Rogtay Xoola Nool iyo Baabuurta, Wakiilla-dana u digay


Hargeysa(GNA)-Masuuliyiinta Iskaashatooyinka GaadiidLeyda iyo Mulkilayaasha Gaadiidka kala duwan ee  Somaliland ayaa saaka Cabasho ka dhan ah Xeerka Cashuurta Takalifka ah lagu saarayo Gaadiidka iyo Xoolaha Nool la hortegay Aqalka Baarlamanka, xili ay wali Golaha Wakiiladu ku gudo-jiraan Dooda Xeerkaasi oo dhawaan Madaxtooyadu u soo gudbiyay.




Xubno ka mid ah madaxda Daladda Ururadda Gaadiidleyada ah oo Warbaahinta la hadlay, ayaa wacad ku maray inaanay bixin Lacag ka baxsan Cashuuraha sharciga ah ee Iminka laga qaado, isla markaana ay taasi Bedelkeeda gaadiidka dhigayaan.




“Walaahi Bixin mayno Cashuur ka baxsan ta iminka nalaga qaado, mana awoodno, hadii Golaha wakiiladdu ansixiyaana Baabuurta waanu dhigaynaa, halkaasaanan Mudahaarad la imanaynaa”sidaasi waxa yidhi Xuseen Gudcur oo ah Guddoomiyaha Iskaashatooyinka Somaliland oo ka mid ahaa Gaadiidleyda Cabasha la hor yimi Golaha Wakiiladda.




Dhinaca kale, Xubno isugu jira Mulkilayaasha noocyada Gadiidka Dadweynaha iyo kuwa Xamuulka qaada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay hore u qabeen Culays Cashuureed oo laga qaadi jiray, tan iminka Madaxtooyadu ku soo rogtayna Dulmi iyo deelqaaf ku tahay.




Mulkilayaasha Baabuurta Somaliland, waxa kale oo ay qaylo-dhaan dheer u direen Golaha Wakiillada Somaliland oo ay uga digeen inay Cashuurta lagu soo rogay ansixiyaan, iyagoo ku andacooday inay ku mudaharaadi doonaan hadii ay meel-mariyaan lacagtaasi.




Dhinaca kale, Ganacsatada xoolaha Dhoofisa, ayaa ku hawlan dhaqdhaqaaqyo ay kaga soo horjeedaan cashuuraha dheeraadka ah la saarayo, waxaanay la filayaa inay maalmaha soo socda inta aanay Golaha wakiilladu go’aan ka gaadhin Xeerka lagu jideynayo Cashuurahaasi cabasho u gudbiyaan Golaha.




Cabashada Gaadiidleydan ayaa ku soo beegmaysa xili ay wali Golaha wakiilladu ku gudo-jiraan Xeerka Takaalifaat-ka horumarinta Waddooyinka Somaliland oo horaantii Bishan Golaha uu u soo Gudbiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo muddooyinka dambe ku Xadfan sidii uu dhaqaale ugu samaysan lahaa Hay’adda Waddooyinka dalka oo la hoos-geeyay Wasaaraddiisa.




Talaabo kasta oo ay qaadaan dhinacyada Cashuurahan lagu soo rogay, ayaa saameyn dhaqaale iyo mid nololeedba ku keenaysa Somaliland, waxaana xusid mudan in Xoolaha Nool ee ay Somaliland dibada u dhoofisaa yihiin qaniimadda qudha ee Waddankani Caalamka u iib-geeyo, taasoo hadii sidan loo Dhiig-miirto khasbi karta inay Ganacsatadu  ka guuraan Dekeddaha dalka.




Geesta kale shaqo joojin  ay ku dhaqaaqaan Gaadiidleydu ayaa ah arin khatar ku ah isusocodka Bulsho iyo dhaqaalaha waddanka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com