Hargeysa(GNA)-Diyaarad yar oo nooca focal loo yaqaano ah oo ay Leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee ETHIOPIAN Airline, ayaa goor dhaweyd soo cago-dhigatay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa, halkaasoo saddex todobaad ka hor ay timi mid Point 373 ah oo ay wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ku sheegtay inay bilow u tahay duulimaadyadii shirkadaasi oo dib uga bilaamaya Hargeysa.
Diyaaraddan waxa la socday saddex Wasiir oo xukuumadda Somaliland u dirtay inay dib u soo celiyaan Duulimaadyada Itoobiyan Airline oo si Kedis ah Duulimaadkii koowaad ugu joogsaday sababo dhanka amaanka Madaarka ah.
Wasiiraddan, ayaa mudo laba todobaad ku dhow Addis-ababa u joogay wada hadalo u socday Maamulka Shirkada iyo Masuuliyiin Dawlada Federaalka ah, kuwaasoo sida laga soo wariyay ay kala hadlayeen, arrimo ku saabsan sababta dhalisay inay Shirkaddaasi joojiso Duulimaadyadeeda Hargeysa.
Wasiirka Duulista Hawada oo ka mid ah Weftigan, ayaa aan wax tafaasiil ah ka bixin waxyaabaha ay ka soo wada hadleen shirkadaasi iyo arrimaha ay kula soo heshiiyeen toona, waxaana Warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo xubin ka ahaa weftiga.
Wasiir waran-cadde ayaa qiray in Cabsi amaan daro ka dambeysay talaabada shirkaddu qaaday, ee ay ku joojisay Duulimaadyadeeda Somaliland, waxaanu sheegay inay Heshiis ka gadheen cabsidaasi Dawlada Itoobiya iyo Shirkadda Diyaaradahaba, si dhakhso ahna ay dib ugu bilaami doonaan Duulimaadyadii Shirkaddu joojisay.
Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland ayaa intaasi raaciyay in sababaha amni ee ay Shirkadda Itoobiya iyo Shirkadda Sahaminta Shidaalku meel salka ku wada hayso, isla markaana arimahaasi dhamaantood inay xaliyaan ay diyaar u yihiin Xukuumad ahaan.
Balse wasiirku ma uu cadeyn goorta hawsheeda dib u bilaabayso shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya, taasoo wali Calaamatu su’aal ku noqonaysa natiijada safarkooda mudada dheer qaatay ee ay kaga soo laabteen Addis-ababa.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha Dibada oo weftigan ka mid ahaa ayaa sheegay inay natiijo wanaagsan kala kulmeen ujeedada safarkooda Itoobiya, waxaanu canaan u soo jeediyay Saxaafaddda madaxbanaan ee dalka ka hawl-gasha.
Warar aan wali xaqiiqadoodu dibada u soo bixin, ayaa sheegaya inay xukuumadda Somaliland lacag adag ku bixisay Imaanshiyaha Diyaaradan yar ee ay soo raaceen wasiirradu, iyadoo ujeedada laga leeyahayna ay tahay si bulshada loogu qanciyo in xal laga gaadhay dhaawacii Shirkadda Ethiopia Airline u geysatay Amaanka Somaliland.
Waxaana hadii uu warkaasi jiro noqonayaa Khiyaamo kale oo Wasiirka Duulista Hawadu Indho sarcaad ugu sawirayo Bulshada reer Somaliland oo aan wali ka buskan dhako faarkii dhaliilaha ka soo noqday dib u dhiska Madaarka Hargeysa oo Malaayiin Doolar ku baxday, balse ay fashishay waxa laga qabtay Diyaaradii ugu horaysay ee Ethiopian Airline.
Diyaaradda ay la socdeen Wasiiradu ayaan wax Rakaab ah sidin, balse waxa ku wehelinayay Taliyaha Sirdoonka Qaranka somaliland iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Dawlada.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com