Tuesday, September 3, 2013

Xawaaraha horumarineed iyo waxqabadka Xukumadda Ahmed Siilaanyo!






Horta cayi waa calyo oo waxaa maciin bidda nin itaal waayey oo lagagga dheereeyey dhinacii ragganimo iyo waxqabad oo tartan markii laysu suxulo duubtay geedkaasi gaadhi waayey, dabadeed xumaan iyo xiqdi ka dabatuura iska miidaaminna, ninkii fiican ee fadalkuu tuurayaa nin liita indhaha ka tuuray.




Xukumadda maanta dalka hogaamisaa waxay sideed sanadood ku qaylinaysey oo maalin baxday, maalin timid shacabka reer Somaliland dhegahoodda aanu ka badinay waar wax ayaanu qabanaynaa oo dalka horumar, barwaaqo iyo badhaadhe ayaanu gaadhsiinaynaa ee na doorta oo nagu doorta Xisbigga Kulmiye iyo tayadda iyo tamarta aanu leenahay, baaqaasi oo ahaa muuminnimo dhaba iyo cadaalad wax qabadka buuran ee maanta si weyn uga markhaati kacay. Waxaa xusid mudan in Xisbigga Kulmiye ee uu hor kacaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee maantu soo maray marxaladdo iyo meeqaamyo kala duwan oo lagu xasuusto geesiyaal iyo aqoonyahan kala duwan oo dabkaasi odeygu shiday dogobyo sii saaray.




Hadalka haddii aan runta lagga sheegin wax ka xun ayaa lagga sheegaaye, ragna tayadiisa, kartidiisa, aqoontiisa, daacadnimadiisa iyo dadnimadiisa waxaa quman in runta lagga sheeggo oo la yiraahdo sifahaasi ayuu leeyahay oo aan marnaba lagala bakhaylin, haddii si kasta loogu kala fikir duwanyahay Siyaasadda iyo nidaamkeedda oo libaaxyadda marna kala duwda, marna isku soo ridda, waayo Siyaasaddu colaad ma laha, ninka Siyaasi la yiraahdaanna maba guntaddo Xagtimaha iyo xumaanta Siyaasadda, laakiin balanga faylku ficil dirir xun ayuu ku hawlanyahay oo ummadda kala geeya, geedkaanna ma gaadho oo waa ma gudbe siyaasiyan ilee dadkii kala dhintee, dadku dhaqasho ayuu ayuu u baahanyahay iyo dhowrasho weyn, si abaal iyo asxaan kursigga lagu gaadho loogga helo mustaqbalka sidda Axmed Siilaanyo oo ah nin Qaran runtii oo Shacabka reer Somaliland ku qiimeeyo halyey ilahay u dhaliyey dalkan iyo dadkan isagga iyo qaar kale oo la hal maalaba oo fara ku tirisa.




Gudoomiyahii wakhtigaasi Kulmiye ahna madaxweynaha maanta Mudane/madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo kaashanaaya Xisbigiisa Kulmiye iyo shacabka reer Somaliland guud ahaan ayaan halkii guushu taaley socod ku tegey, kadib markii uu samir iyo dhabar adayg muddo sideed sanadood ku siman mucaaridka ugu weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland ahaa halkaasi oo tanaasul iyo lexejeclo badan uu dalkiisa iyo dadkiisa hooyo ugu sameeyey, oo uu waxii uu xaqa u lahaa dalkiisa iyo dadkiisa uga tegey, kadib markii guulo uu leeyahay muran, madmadow iyo macno xumo la geliyey doorashaddii madaxtooyadda 2003, taasi oo Xisbigga Kulmiye ku khasbay ama ku dirqiyey Gudoomiye Ahmed Siilaanyo inuu ku dhawaaqo inuu yahay madaxweynaha sharaciggaa ee ku guulaystey doorashadaasi, laakiin isaggoo eegaaya dalkiisa iyo dadkiisa gaashaanka ku dhuftay codsiyadaasi ka soo burqanaayey hal dooraddii iyo hogaamiayaashii qaybaha kala duwan ee Xisbigga Kulmiye wakhtigaasi oo sidda dharaarta ay ugu cadayd inay ku guulaysteen doorashadaasi, laakiin lagga musuq maasuqay markii odayaal la dhaqdhaqaajiyey ee ay si weyn uga hawl galeen rag badan oo maanta ku sawiran dhacdadaasi iyo dhacaasi weyn ee jid goynta loogu galay guushaasi uu dhaliyey Siilaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye.




laakiin nin aan dalka iyo dadka dan ka lahayni muran iyo madmadow iyo dagaal dalkii geliyey ka dib markii lagga badheedhay in Xisbiggii Kulmiyey doorashaddii lagagga adkaaday, laakiin deminta colaadaasi iyo burbur dalku gallo waxaa ku guntadey Gudoomiye Axmed Siilaanyo oo yidhi anigga xaqayga iyo ka reer Kulmiye oo maqnaadda ayaa dhaanta dalka oo burbura iyo dadka oo dhibaato weyni soo gaadho, waanna mid loo ogyahay oo taariikhda baal dahabka ka gelidoonta, waxaanna markale guushii iyo gobanimaddii soo dedejiyey samirkii iyo dulqaadkii Xisbigga iyo Gudoomiyahiisu dalka iyo dadkiisa ku eegay il kalgacaltooyo oo ay ku dheehantahay muwaadinnimo weyn iyo muslinnimo khaasa oo xumaha iyo samaha kala xadeysey.




Hadaba akhristoow, tan iyo intii la doortay Xukumadda Axmed Siilaanyo 2010 waxuu dalku ku soconayaa xawaare iyo xawli horumarineed oo qiimo weyn leh, isla markaasina bulshadda caalamku ay aad ula yaabanyahiin doorka iyo dadaalka Xukumadda Somaliland ee aqoonsi caalamiya aan haysani gaadhey iyo dimuquraadiyadda salka balaadhan ee ka jirta oo suura gelisey in hal doorka mucaaridku maalin kasta si gobanimadda ka baxsan oo sharci daraa cay iyo habaar ugu hayaan maamulka dalka iyo madaxda kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland hadh iyo habeen iyaddoo la dayacay hawshii iyo raacinimaddii Mucaaridnimo ee dastuurigga ahayd oo sifo khaldan qawlaladda loogga xunbeeyo oo aan macno iyo milgo ay leedahay jirin.




Nasiib wanaag, Axmed Siilaanyo iyo Xukumadiisu waxay qabteen tan iyo 2010 wax lagu faanno oo loogga baahanyahay ragga maanta halkii beri Kulmiye ku jirey ku jira ee sanad iyo laba sanno moodaaya in geellu ku dhallo, waayo mucaaridnimaddu waxay u baahantahay qorshe iyo quluub xaadhan oo shacabka taageeradoodda iyo kalsoonidoodda lagu kasbanaayo si loogga midho dhaliyo hadafka iyo himiladda hayaanka lagu yahay ee gaadhidda kursigga iyo hogaanka dalka, taasi oo aanu geyin nin maalin kasta ummadda kala didinayaa.




Waxa la qabtay ilaa maanta wax mug weyn oo xujo ku ah ragga mucaaridka sheeganaaya ee tuunbadda hogaanka dalka ku soo jira, laakiin aan garanyn waxuu garanaayo yarka toban jirkaa ee reer Somaliland.




Waxqabadkii Xukumadda iyo wanaagga maanta!!!!




1- Suulinta musuqa,




2- Kordhinta iyo tayeynta dakhligga dalka oo halkii haboonayd lagu tiiriyey,




3- Kordhinta Mushahaaradda shaqaalaha dowladda oo sagxadda lagga soo kiciyey,




4- Tayeynta shaqadda iyo shaaqalaha dowladda oo tababaro wax ku oola helay,




5- Dhisitaanka kabayaasha dowladda, sidda Wadooyinka, Wasaaradaha, Madaaradda, Dekedaha iyo adeegyadda kala duwan sidda Biyaha iyo Waxbarashadda oo asaasi u ah nolosha aadamaha oo wax weyn laga qabtay.




6- Nabadgelyadda iyo diplamaasiyadda dalka Gudahiisa iyo dibadiisa oo halkii ugu fiicnaa maraaya,




7- Siyaasadda Arimaha Gudaha oo hore iyo hadaba hanaankeeddu hufan yahay oo maanta uu gacanta ku hayo mudane Cali Warancade oo haybadiisa iyo hanaankiisa waxqabad yahay mid laysku halan karo, marka raad raac lagu sameeyo sooyaalkiisa masuuliyadeed iyo raadadkii uu kagga tegey wasaaradahii uu ka soo hawl galay tan iyo intii Somaliland jirtey.




8- Siyaasadda Arimaha Dibadda Somaliland oo ahayd qaab quraarad layska dhex arko oo maantana uu gacanta ku hayo Mudane Maxmed Yoonis oo ah diplamaasi aqoon weyn u leh dhinacyadda Qaramadda Midoobey iyo Arimaha Siyaasadda ee Dibadda.




9- Bixinta Darajaddii Ciimadadda kala duwan oo Xukumadda Axmed Siilaanyo si geesinimo iyo Qarannimo ku dheehantahay u wajahdey ayaa iyadunna noqotay wax raggii hore ka baqay laakiinn Madaxweyne Axmed Siilaanyo u badheedhay, taasi oo ragga mudan ee ishu qaban wakhtigooddu iman doonno waayo roobku ilahay shubo ayaan ummadda hal mar wadda gaadhin




10- Diyaaradaha waaweyn ee caalamka oo maanta soo caga dhiganaaya Garoonka Cigaal International Airport, si habsamiya oo ah wax lagu faanno, isla markaasina yididiilo iyo yegleeg waxqabad oo hufan noqday.




Isku soo wadda duuboo waxqabadka Xukumadda maantu waa mid caynka iyo bayda u jiideysa tartanka miisaanka waxqabd ee dhamaan Xukumadaha Somaliland soo maray ama soo mari doonna, waanna qaab iyo qiritaan amaan iyo bogaadin weyn loogu hayo madaxweynaha maanta Axmed Siilaanyo iyo Xukumadiisa bilan oo boodhka ummadda ka soo kiciyey, isla markaasina xariirtan iyo xaqdhowrkan wacan keenay. Ninkii Ummadan doonaaya inuu hor kaco waxaa looga baahanyahay waxqabad, ixtiraam iyo raganimo buuran oo wadne libaax iyo xiniinyo bira leh, oo ka madax banaan cay, muran iyo dagaal dalkan iyo dadkan baabinaaya. Rag iskuma jiree xaalku waxuu nqon doonnaa mid waxqabad iyo horumar markasta lagu tartamo oo beenta iyo baala xooftaddunna noqon dhaqan iyo dhibaato nin aan waxba goynini uu maciinsaddo.




Hadal lama saarnaadee waxuu qoraalkani qirayaa oo qiimayn weyn ku helay qalooc ka biinta iyo qurxinta qaayaha dalka iyo dadkiisa oo Xukumadda Axmed Siilaanyo taariikhu ay qori doonto iyo weliba nin kasta oo ummadan wax lagu faanno u suurageliyey ama u suuragelin doonna mustaqbalka dhow iyo ka fogba.




Cabdilahi Cali Xassan John
Liverpool
UK