(GNA) Saxeexa cusub ee Milan Kaka ayaa sheegay inuu 14kii maalmood ee u danbeyay uu rajeynayay inuu ku noqdo stadio Giuseppe Meazza.
Xiddiga reer Brazil ayaa heshiis labo sannadood ah u saxeexay shalay kooxda Diavolo ka dib markii Real Madrid ay si bilaash ah ku fasaxday.
“Waxaa laga joogaa labo todobaad tan iyo maalintii aan ka fekerayay inaan soo noqonayo.” ayuu yidhi Kaka oo 2009kii Milan ka tagay kuna biiray Real Madrid heshiis qaali ahaa oo gaadhayay 65 milyan euro.
“Maalmihii u danbeyay waxaan ku riyoonayay taageerayaasha San Siro oo magaceyga mar kale ku heesaya.” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Afar sannadood ayaa i dhaaftay, haatana waa soo noqday. Inaan Milan ku soo noqdo waa wax ii fiican.
“Markii horeba waan ka xumaa inaan kooxda ka tago, haatana waan soo laabtay. Aad ayaan u faraxsanahay.”