Tuesday, September 3, 2013

Al-shabaab: Annagaa Fulinay Weerark Madaxweynaha lagu qaaday, waxaanan gaadhsiinay Khasaare”.


Marka(GNA)-Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo lahadlay Wakaaladda Wararka ee AfP ayaa sheegay in Dagaalyahanno ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay gubeen Gawaadhi ay wateen Ilaalada Madaxweyne Xassan Sheekh Maxmuud.




Afhayeenka dhanka Howlgallada ee Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa intaasi ku daray in mudo Saacada ah uu dagaalku socday ayna khasaaro xoogan gaarsiiyeen Ciidamadii Weerarku qabsaday ee Madaxweynaha Soomaaliya Galbinayay.




Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku aadan Sheegashada Xarakada AL-Shabaab ee ah inay Khasaare xoogan ay gaadhsiiyeen Ciidamada dowlada Soomaaliya.




Goor sii horaysay ayaa weerar lagu qaaday Kolanyo Ciidan ah oo la socday Madaxweynaha Somaliland Xasan Sheikh Maxamuud oo boogasho ku marayay deegaamo ka mid ah Gobolka Sh.hoose.




 Weerarka ayaa ku bilowday Miino la kacday Mid ka mid ah Gaadiidkii la socday Kolanyada Madaxweynaha iyadoo sidoo kale weerar socday Muddo 20 daqiiqo ah ay ku soo qaadeen Kooxo hubeysan Madaxweynaha iyo wafdigiisa.




Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda ayaa ku sii jeeday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose halkaasi oo ay ugu socdeen dhex dhexaadin loo sameynayo beelo Walaala ah oo dhawaan ku dagaalamay gobolkaasi Sh/hoose.




Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka weerarku ka dhacay ayaa kusoo warramaya in haatan halkaasi ay isku geedaameen Ciidamada AMISOM , islamarkaana Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay gaareen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com