(GNA) Nelson Mandela ayaa lagu soo waramayaa tan iyo xiligii uugalay cisbatalka oo aheyd mudo dhan ilaa 3-bilood ah la sheegay in uu habeenkii ugu horeeyay gurigiisa lagu soo celiyay kadib markii uu maalinimadii shalay ka baxay cisbitaalka.
Xaaladiisa ayaa waxa ay u muuqatay mid weli ay ka muuqato xanuunka, iyadoo sambabada uu dhiigbax kaga dhacay. Nelson ayaa la aaminsan yahay in garaacii ama jid dilkii ay ugeysteen cadaankii South Afrika ka talinjiray markii uu kula jiray midab kala sooca in ay jugihii ay gaadh siiyeen ay keentay caabukh iyo dheecaano in ay keeneen imikaoo uu da, yahay Nelson ayaa mudo dheer ku soo qaatay xabsiga jasiirada ku yaal ee Robben Island.
Maalinimadii shalay waxaa si rasmi ah telefishinka u soo hor joogsaday madaxweynaha iminka talada dalkaas haya ee Jacob Zuma isagoo sheegay in Mandela uu isbitaalka ka baxay.Maalinimadii shalay .
Mandeela ayaa imika ay da,diisu tahay 95-jir ayaa laga cabsi qabaa in uu markale xanuunsado,
Mandeela waxaa lagu xasuusan doonaa waa in uu ahaa hogaamiyihii ka horyimi midab kala sooca mandeela oo imika lagu til maamo aabihii afrika ayaa ilaa habeenkii xalay haa aan la shaacin xaaladiisa dhabta ah ee caafimaad waloow ay saxaafada caalamka iyo kuwa south Afrika isku dayeen in ay wax ka ogaadaan xaalada caafimaad ee Nelson hadan wax faah faahin ah ka ma ay helin dhaqaatiirtii ku hawladeen daweyntiisa iyo qoskii toona oo ka gaab saday xaalada dhabta ah ee oday mandeela.
Dhinaca kale afhayeenka madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush ayaa raali gelin ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay ee ahaa in Mandela in uu tacsi u diray geeridiisa awgeed, afhayeenka ayaa qaldamay kol uu saxaafadda caalamka la hadlayey wax yar kadib markii Mandela cusbitaalka la dhigay 3- bilood ka hor.
Afhayeenka Bush ayaa ku celceliyey in uu ka xun yahay sida uu hadalka uga baxsaday isaga oo aan hubsan in uu geeriyooday mandela, arrinkan ayaa la yaabka noqday ayaa ahaa ah sanado ka hor Nelson Mandela ayaa Bush ku tilmaamay in uu yahay “sheydaan” kadib Bush oo weerarkii lagu qaaday wadankii Ciraaq isaga oo halgaaday Sadaam Xuseenkii talada dalkaa hayey, intaa kadib ma ay fiicneeyn xidhiidhka W. Bush iyo Koonfurta Afrika hase yeeshee haatan ayaa markii uu Mandela xanuunsaday waxaa qoyska reer Bush ay tacsi u direen dadka Koonfurta Afrika iyagoo muujiyey in ay ka tacsiyeeynayaan geerida ku timi mandela.
taas oo afahayeenka Qosku W.Bush uu raaligalin ka bixiyay warkaa oo si qalad ah uga baxay.