Hargeisa(GNA)- Haweenay xijaaban oo uu qabo nin u shaqeeya UN-ta oo dhaawac soo gaadhay lagaga daweenayay dhakhtarka UN-ta ee Hargeysa ayaa loo diiday inay gudaha u gasho dhakhtarka, maadaama oo ay xijaab xidhantahay.
Haweenaydan iyo caruurteeda ayaa soo gaadhay dhakhtarka markii loo sheegey in ninkeeda dhaawac soo gaadhay isagoo shaqada jooga, kadibna si gurmad dagdag ah loogu sameeyo loola soo cararay dhakhtarka ay UN-ta shaqaalaheeda lagu daweeyo eek u yaala Xaafadda Shacabka.
Markay soo gaadhay iyadda iyo caruurteedii ayay security-ga xayndaabka dhakhtarku ku amreen inay gasho qolka dumarka si loo baadho, markaas oo ay u sheegeen qaraabadii ninka dhaawacan ee la socdayna inayna u socon karin gudaha oo iyadda kaligeed loo siin dayn doono si ay usoo eegto.
Siday sheegeen qaraabadii la socotay, hawaynaydii ayaa lagu amray inay iska saarto niqaab ay sidatay si loo sii daayo, taas oo ay ka cudur daaratay. Kuna war galisay inay iyadu iska joogayso, lakiin ay ku bedelaan wiil keeda oo la socday.
Taasna way ka diideen oo waxay u sheegeen in iyadda uun ay sii daynayaan hadii ay fuliso amarkooda oo ay niqaabka ay xidhan tahay iska faydo, iyagoo sabab uga dhigaya in ay qof aanay wajigiisa arkaynin aanu sharcigu u ogolayn in uu gudaha galo, inkastoo inay ku jirtay qofka baadhitaanka dumarka ay ka dalbatay oo ay iskaga fayday Askariyadii gabadha ahayd ee baadhaysay.
Gaadhkii dhakhtarku waxay u sheegeen inay fulinayaan amar ay ka haystaan xaga sare ayna cidna usii daynaynin, halkaas ayayna qoyskii u socday inay ogaadaan ninkii dhaawacnaa ilaa intuu soo baxayay ee baadhitaanka loo dhamaynayay mudo saacad ah dibadda lagu hor taagnaa.
Siday ay sheegeen qaraabadda gabadhan la socotay, Xataa cid warkiisa wada oo dhakhtarka baadhitaanka matalaysaa in ayna dibadda ugu soo bixin si ay warbixin uga siiso xaaladda caafimaad ee dhibanaha dhaawacan.
Xidhashada Niqaabka ayaa Haweenka Somalida aad ugu badan, inta badana may dhici jirin inay dhibaato ama Takoor intan le’eeg kala kulmaan, laakiinse waxa dhacda inay mar walba Dumarka xidhaa la kulmaan baadhis dheeraad ah, sida marka ay Xafiisyada dawlada ama meelaha kale gelayaan oo lagu amro inay iska qaadaan inta baadhistu socoto, marka la hubiyana dib u xidhaan.
Meelaha Kaantaroolada ayaa iyaguna ka mid ah Goobaha inta badan laga hubiyo Wajiyada Dumarka xidha Niqaabka, waxaanay askartu ku amraan inay wajigooda marada ka qadaan si loo arko, taasoo haweenka qaar ka xishoodaan, laakiinse dantu ku khasabto inay fuliyaan.
Hase ahaatee waxa jira haweenka qaar ku doodda inay cid kale iska daaye ragooda Niqaab ka xidhaan ama xiliyada shaqada Niqaabtaan, sidaasi darteedna aan aqbalin in wajigooda rag kale fiirsado.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com