Wednesday, September 4, 2013

Basaaskii Ka Baxsaday Mareykanka Eedward Snowden Oo Soo Bandhigay Siro Culus Oo Dunida Khalkhal Gelinaya.


(GNA) Ninka baxsadka ah ee Mareykanku ay baadigoobayaan ee Edward Snowden ayaa waxaa la sheegayaa in sirtii uu bixiyay laga dhex helay feylal ay ku qoran yihiin tiro dhowr ah oo shaqsiyaad Al-Qaacida ah una adeegaya waaxda NSA ee sirdoonka ammaanka Mareykanka.




Warar ka soo baxay wargeysyada waaweeyn ee caalamka ayaa shaaciyey in rag ka tirsan Al-Qaacida ay mar qudha isbedeleen oo ay codsiyo shaqooyin u dirsadeen CIA-da Mareykanka.




Xogta la soo xushay ayaa warbaahintu sheegaysa in CIA-du ay doorbiday in ay gacan siiso kooxaha Al-Qaacida si ay u yareyso saameynta kooxahani ku yeelan karaan dalweynaha Mareykanka gudihiisa, CIA ayaa isku dayday in ay Mareykanka ka wareejiso oo ay kooxahaani ku mashquulaan wadamadooda gudahooda, sidoo kale codsiyada shaqo-doon ee gaadhayey Mareykanka kana imaanayey kooxaha yar yar ee hubeysan waa la aqbalayey waxaana badankood kooxahan lagu hagayey wixii ay wadammadooda gudahooda ka sameyn lahaayeen.




Feylasha oo luuqado badan lagu fasiray ayaa tilmaamaya in kooxaha biilka la siiyo ay shaki weyn ku abuureen shaqaalihii ammaanka ka shaqeeynayey ee Mareykanka gudihiisa iyagoo qaarkood ay caafimaad darro soo wajahday qaarna ay shaqada ka tageen.




Kooxaha sida qarsoon CIA-da u taakuleyso ayaa la sheegay in ay soo galayaan kooxaha ka dagaalama Lubnaan ee Xisbullaah iyo kuwa ka dagaalama Falastiin ee Xamaas.




Afhayeenka National Security Agency (NSA) haweeneyda Vanee Vines ayaa sheegtay in la balaadhinayo baadhitaanka lagu wado dadka Mareykanka gudihiisa jooga oo sirta kashifaya; waxaana xooga saareynaa ayey tidhi in kuwa hada baxsaday mooyee kuwa kale ee xareysan laga taxadaro.




Mareykanka gudihiisa, Shakiga amuurahaan laga qabo ayaa sii kordhaya iyadoo shaqaalihii ka shaqeeynayey xafiisyada sirdoonka laftooda haatan dowlada Mareykanku u hanjabtay kadib markay arkeen in shaqaaluhu ay ka naxeen in dad wax qarxiya taageero lacageed loo fidiyo.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com